Qaramada Midoobay oo shaacisay in Macluuli ka jirin Geeska Africa balse digniin raacisay
Nairobi Feb 03,2012(qurbejoog.com)-QM ayaa maanta shaacisay in dalalka macluushii ka jirtay la xakameeyay balse gobolka weli ay ka jirto xaalad degdega oo u baahan in isha lagu hayo.
QM heyadeeda FAO oo sanadkii hore sheegtay in geeska Africa ay ka jirto xaalad Macaluula oo ay ku saleysay tirada dadka gaajada u dhimanayay ayaa iminka sheegtay in xaaladu dib ugu noqotay abaaro jira oo u baahan in lala tacaalo.
FAO ayaa sheegtay in ilaa iyo haatahn ay gobolka geeska Africa ay ku sugan yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 9 million oo ruux oo xaalad gargaar biniaadamnimo ku jiro oo kaalmo u baahan.
Hadii bay tidhi heyadu aan dadkaa loo gurman in xaaladu dib ugu noqon karto Macluul dad badani ku le’edaan.
Qurbejoog-Nairobi