|

Qaramada Midoobay oo mashaariic ka fulinaysa deegaanada Galmudug

Cadaado,6Aug,2015(QJ/SDN)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaNicholas Kay, waxaana la sheegay in wadahadalkoodu ku saabsanaa sidii Q/Midoobay maamulka cusub ee Galmuduga uga taageeri lahayd dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo horumarinta.

Nicholad Kay ayaa la sheegay inuu maamulka Galmudug u balan qaaday inay ka caawin doonaan dhinacyada hormarinta iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed, isla markaana ay gacan ka siin doonaan  arrimaha bulshada iyadoo Q/Midoobay mashaariic ka fulin doonto degaanadaasi.

C/kariin Guuleed ayaa Muqdisho u joogay la kulanka Hay’ado kala duwan oo arrimaha maamulkiisa uu kala hadlayay iyadoo uu ka baaqday socdaal la filayay inuu dib ugu laabto magaalada Cadaado.

Comments are closed