|

Qaramada Midoobay oo mar kale kordhisay Muddada Cunno-qabteynta Hubka Soomaaliya

Muqdisho,24oct,2015(QJ/SDN)-Qaramada Midoobay ayaa kordhisay muddada cunno-qabteynta hubka ee saaraan Somalia, kaddib shir Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay  ay ku yeesheen magaalada New York.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa shaaciyay in muddo sannad ah lagu kordhiyay muddada cunno-qabteynta hubka Somalia, iyadoo xilligaasna uu ku eg-yahay bisha November ee sannadka2016-ka.

Muddo kordhintan cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa waxaa u codeeyay 14 ka mid ah waddamada  xubnaha ka ah golaha ammaanka.

Xubnaha golaha amamanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay shaqada u kordhiyeen guddiga kormeerka cunno-qabteynta hubka ee dalalka Somaila iyo Eritrea, iyadoo guddigu shaqeynayso illaa 15-ka December 2016-ka.

Comments are closed