Qaramada Midoobay Oo Digniintii Ugu Cuslayd Ka Soo Saartay Gaajada Ka Dhalatay Abaaraha
New York 13. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ay waajahayso dhibaatadii bani’aadminimo ee ugu weynayd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay 1945kii.
Stephen O’Brien ayaa u sheegay Golaha ammaanka in tiro ka badan 20 Milyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Suudaanta koofureed, Yemen, Soomaaliya iyo Nayjeeriya ay waajahayaan gaajo iyo macaluul, haddii aan la helin dedaal loo dhan yahay oo caalami ahna ay dad badan dhiman doonaan.
Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, iyadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.
Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in ayna haysan imkaaniyaadkii ay wax kaga qaban lahaayeen mushaakilkan ka sii daraya ee Dalal badan ka jira.