Qaramada Midoobay oo cunaqabteyn dheeri ah ku soo rogay Eritrea
New York Dec 06,2011(qurbejoog.com)-Gollaha amaanka ee QM ayaa shalay kalfadhi ay yeesheen waxa ay ku adkeeyeen cunaqabateyntii hore u saareyd ka dib kolkii ay dalalka Geeska Africa kaga dacwoodeen taageero ay sheegeen in ay siyaan kooxda Shabaabka.
Qaraaarkan oo ay ansixiyeen 13 dal oo gollaha amaanka ka tirsan ayaa waxa ka aamusay dalalka China iyo Ruushka.
Waxaanay ka dhigan tahay in la kordhinayo shaqsiyaadka iyo masuuliyiinta lagu soo rogayo cunaqabateynta socdaalka iyo xanibaada Hantida.
Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay taageero maaliyadeed iyo mid huba siisoo kooxda Al Shabaab.
sidoo kale kooxda la socodka cunaqabateya QM ayaa dhawaan sheegtay in Asmara ay ka danbeysay qarax la damacsanaa in lala beegsado xarunta midawga Africa ee Adis Ababa.
Gollaha Amaanka ayaa ka dalbaday in Asmara ay ka waantoowdo taageerada ay ku bixineyso in ay khalkhal geliso dalalka geeska Africa.
Dalalka Gabon iyo Nigeria oo qararaarkan soo diyaariyaya ayaa soo jeediyay in dalka Eritrea laga xanibo maalgashiga dibedda uga yimaada,iyo canshuuraha ay qurbajoogoodi bixiyaan.
Balse Gollaha amaanka ayaase aan qaadan soo jemihaasi bacdamaa ay waxyeeleynayaan bushadal reer Eritrea.
Dawlada Eritrea ayaa iyadu dafirtay gebi ahaanba eedeymaha loo jeediyay.
Qurbejoog-New York