Qaramada Midoobay , Midawga Afrika iyo Madaxda Soomaaliya Oo Ka Hadlay Weerarkii Dadka Badani Ku Dhinteen ee Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho:Sep-8-2013(SDN)- Ergyga Qaramada Middobay u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 18-qof oo intooda badan ahaa dad shacab ah, tiro intaas ka badanina ku dhaawacmeen.
Qaraxyadaas ismiidaaminta ah oo Mas’uuliyaddooda ay sheegatay ururka Al-Shabaab, ayuu ku tilmaamay Mr. Kay mid waxash-nimo ah oo ay cambaaraynayaan, isla markaana aad uga xun yihiin, “Waxaa aad iiga naxiyay ficilka waxash-nimada ah ee dadka badan ay ku dhinteen maanta(shalay). Waxaana u cambaaraynayaa sida ugu xooggan. Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibbadii dadkii lagu dilay weerarkan, sidoo kale, waxaana u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay inay si dhakhso leh u soo bogsoodaan.” Ayuu yidhi Danjire Kay.
Mr. Nicholas Kay, ayaa sidoo kale sheegay in Xafiiska uu Madaxda u yahay ee UNSOM ay Soomaaliya u joogaan ay tahay inay gacan ka geystaan dedaallada socda ee nabadda lagu xaqiijinayo, waxaana barbar taagannahay shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa weerarkaas cambaareeyay Ciidammada AMISOM ee dalka Soomaaliya ku sugan, iyagoo sheegay inuu ahaa weerar Bahal-nimo ah oo lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Ergayga Midowga Afrika ayaa War-Saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ku sheegay inay garab taagan yihiin mar walba dowladda Soomaaliya, isla markaana ay kala shaqeyn doonaan amniga iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo weliba la-dagaallanka argagixisada, sidoo kalena aad iyo aad ay uga xun yihiin weerarrada shalay dadka aan waxba galabsan ay Al-Shabaab ku laysay.
Dhinaca kale kooxda Dagaalka kula jirta Dawladda soomaaliya ee Al-shabaab oo Weerarkan geystay, ayaa War-Saxaafadeed soo saartay shalay galab ku sheegtay inay iyagu Masuul ka ahaayeen qaraxyadaas, isla markaana ay la beegsadeen Makhaayadda The Village oo ku taalla degmada Xamar-weyne, halkaasoo ay sheegeen inay tahay xarunta waxay ugu yeedheen jawaasiista gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
“Makhaayaddan waxaa iska leh shaqsiyaad cadow ah oo gacan-saar la leh mid ka mid ah hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka, ayna tahay goobaha laga soo maleego dhagaraha dadka Muqdisho uu cadowgu ku hayo, ayna mujaahidiintu dhowr jeer oo hore dadka uga digeen in ay u dhawaadaan.” ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka oo kasoo baxay Xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaailya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo.
“Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu Xasan Sheekh ka yidhi shir lagaga hadlayo xag-jirnimada oo ka furmay Muqdisho.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com