|

Qanabqaabada shir London uga dhacaya xisbiga UCID oo la soo gunaanaday

London sept 15,2012(SDN)-Waxa Habeenkii xalay la soo gebagebeeyey qaban qaabadii xaflad weyn oo xisbiga UCID ku qabsandoono magaalada LONDON.

Waxaa mudo bil ka badan ka socdey wadankan Ingiriis shirar isba joog ah oo bahda UK ee xisbiga UCID kawadeen magaalada LONDON, gaar ahaan galbeedka London.

Shirarkan waxaa lagu qaban qaabinaayey xaflad weyn(iIlaah baa weyne) oo sidaad warbaahinta kala socotaan ka dhicidoonta galbeedka London, gaar ahaan xaafada Wembley.

Waxaa hadaba habeenkii Jimce ee taariikhdu ahayd 14kii September la soo gebagebeeyey abuubulkii ama qaban qaabadii xaflada. Haddaba shirkan oo ay isugu yimaadeen xubno aad u badan oo ka tirsan xisbiga waxay isla meeldhigeen dhamaan qorshihii xaflada.

Waxaan aniga oo ku hadlaaya afka xisbiga UCID, gaar ahaan bahda UK ku martigaadeynaa inay ka soo qaybgalaan dhamaan dad weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska iyo qaarada yurub, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga UCID.

Waxaa xaflada lagu soo dhaweynayaa wafti balaadhan oo dhawaan ka soo kicitimidoona dalkii hooyo. Waftigan waxaa hogaaminaaya Musharaxa dada yar JAMAAL ALI HUSSEIN iyo gudoomiyaha xisbiga Eng; FAYSAL ALI HUSSEIN. Waxaa iyana waftigaa ku weheliya Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga ABDIRASHID HASSAN MATAAN, Hoghaya maaliyada FAADUMO SACIID iyo xubno kale oo badan. Waxaa iyana dalka jooga oo ka soo qayb galaya xoghayaha guud ee xisbiga iyo xoghaya arimaha debededa.

Waxaa dhamaan umada reer Soomalilandee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, gaar ahaan inta jecel isbedel dhab ah ama isbedel run ah laga codsanyaa inay ka soo wada qayb galaan xaflada…si ay ula kulmaan una ogaadaan afgaarta iyo hililada hogaanka xisbiga UCID.

Goobta: Copland Community School

Cecil Avenue, Wembley central

 

Guul iyo Gobanimo.

 

Mohamed Jama-Shiine

Gudoomiyaha Xisbiga UCID UK

UCODEE UCID

DALKA & DADKA UCID BAA U CID AH

Comments are closed