|

Qadhaadhka Geerida Oo Ay Dhadhamiyeen Askarta Dalka Sucuudigu U Diray Waddanka Yemen Iyo Qoysas Dhimashadu Taabatay Oo Dheeraad Loo Sameeyey

Cadan:April,08,2015(SDN/QJ)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxay Dagaalka Sucuudigu Hoggaaminayo ee lagu qaaday Waddanka Yemen, waxana haatan lasoo calaamadiyey in Qadhaadhka Geerida ay dhadhamiyeen Askarta Sucuudigu halkaas u diray.

apoWeerar ay qaadeen Kooxo Xuutiyiin ahi, ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay Askari Sucuudi ahi, waxana uu noqday Askarigii ugu horeyey oo ka tirsan ciidamada dalka Sacuud Halkaas ku geeriyooday.

Askarigan oo lagu magacaabi jirey Salman Cali Yaxya al-Maliki kana mid ahaa ciidamada ilaalada xaduudka u dhexeeya dalalka Sacuudiga iyo Yemen ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku dileen ciidamada Xutiyiinta dalkaas Yemen.

Askarigaas iyo ciidamo kale oo la socday ayaa waxaa ka soo weeraray buuraha ku yaala xuduudka u dhexeeya labada wadan ciidamad Xutiyiinta iyadoona u weerarkaas sidoo kale dhaawac ka soo gaadhey ilaa 10 kale oo ka tirsanaa ciidamada dalkaas Sacuudi Caribiya laakiinse dhaawacooda ayaa lagu sheegay inuu yahay mid fudud.

Ugu dambeyntiina iyadoo Askarigaas ka mid ah ciidamada dalka Sacuudiga uu ku dhintey dagaalkaas ka socda dalka Yemen ayaa tan iyo markii uu geeriyooday askarigaas waxaa qoyska uu ka geeriyooday soo gaadhaayey madax iyo masuuliyiin ka socota dowlada dalka Sacuudiga oo qoyskaas uga tacsiyeynaayey geerida ku timid wiilkooda.

Dowlada Sacuudigu waxay balan qaaday in mushaharka askarigaas uu socon doono waligiis inta ay qoyskaas u baahan yihiin iyadoo sidoo kalena la kordhiyey mushaharka askarigaas geeriyooday islamarkaana la dalac siiyey darajadiisa ciidan ee uu lahaa ka hor inta aanu dhiman.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed