Qadar Oo u Yeedhatay Safiirkii u Fadhiyey Masar Iyo Xidhiidhka Labada Dal Oo Sii Xumaaday
Doha:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Qadar, ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Dalka Masar, kadib markii isfahamfarro ka dhalatay duqaymo Masaaridu ku bilowday Waddanka Libya.
Cilaaqaadka labada waddan ayaa soo xumaanayey tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore dalka Masar Maxamed Mursi bishii July 2013 kaasi oo dowlada Qadar aad u taageeri jirtay.
Masar ayaa Qadar ku eedeysay inay Lacago siinayso Kooxaha Xagjirka ah sida Daacish iyo Ururo dhowr ah oo hoosta Alqaacida oo ay kamid tahay Alshabaab.
Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Masar aanay u arxan fali doonin Maleeshiyaadka ka dagaalanta Liibya, iyadoona lagu sheegay in Xidhiidh dal la hakiyaa aanay u joojin doonin Duqeymaha ay la bartilmaameysaneyso Kooxda Daacish.
Dhanka kale, Dowlada Qadar ayaa aad uga walaacsan Duqeymaha is xigxiga oo ay Masar ka fulineyso Liibya, waxa ayna taasi sahashay inuu burburo xidhiidhka labada dal.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com