Qadar Oo Canbaareysay Sacuudiga Oo Diiday In Laga Wadahadlo Shuruudihii Ay Soo Bandhigeen
Doha 02. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa ku canbaareeyay dalalka khaliijka ee ay deriska yihiin diidmadooda in laga wadahadlo dalabyadooda ay ku xidheen in dib loo furo xidhiidhkii dhulka, cirka iyo badda ee ay jareen.
Sheikh Mohammed al-Thani ayaa sheegay in mowqifkaasi aka soo horjeedo mabaadida xidhiidhada caalamiga ah.
Saudi Arabia, the United Arab Emirates, Bahrain iyo Masar ayaa ku eedeeyay Qadar in ay taageerto argagixisada- taas oo au iyana beenisay.
Waxa ay soo bandhigeen liis shuruudo ah oo ay Sucuudi Arabiya wasiirkeeda arrimaha dibaddu ku tilmaameen salaasadii lagama ahadlaan.
Dalka Qadar oo saliida iyo gaaska hodan ku ah ayaa ku tiirsanaa waxyaabaha aasaasiga ah oo uga iman jirey dibada.