Qabiil Ku Nool Kaymaha Brazil Oo Mag-dhow Laga Siinayo Dhul Ay Degganaayeen Oo Diyaaradi Ku Soo Dhacday
Brazil 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu waaweyn dalka Brazil oo la yidhaahdo Gol, ayaa aqbashay in ay magdhaw 1.3 milyan oo Dollar ah siiso qabiilo deggan kaymaha dalkaas.
Diyaarad Shirkaddu leedahay ayaa waxay Sannadkii 2006-dii ku dhacday Dhulka ay degganaayeen Qabiilkaasi, waxayna dhibaato Xoog leh gaadhsiisay Deegaanka.
Diyaarad shirkadda Gol leedahay iyo mid kale oo gaar loo leeyahay ayaa isku dhacay iyagoo dul maraya seeraha loo xayn daabay qabiilka Caiapó.
Qabiilka Caiapó way diideen in ay dhulkaa diyaaraduhu ku dhaceen dib ugu noqdaan oo ay degaan, waxayna sheegeen in dhulkaasi dikhoobay oo uu habaaran yahay, iyagoo aamisan in arwaaxdii dadkii ku dhintay Diyaaraduhu ay goobtaa gaaf-wareegayso.
Tuulo ay deganaayeen iyo goob caafimaad oo wakaaladda Brazil ee dadka dhulka asalka u leh taageerta ee la yidhaahdo Funai ay u dhistay, ayey qasab noqotay in loo raro seero kale oo aan halkaa ka fogeyn, sidaana waxa telefishanka Globo u sheegay caaqilka guud ee Qabiilka Caiapó.
Shirkadda Gol iyo hogaamiyeyaasha qabiilkan ayaa dacwad muddo dheer socotay ka dib, waxa ay ku heshiiyeen inay kiiska maxkamadda ka saaraan, waxa aanay bixinta mag-dhawgan ku kala saxeexdeen xaflad la qabtay bishan horaanteedii.