Qaasim Axmed Diini:Siyaasada Jabuuti ma aha in ay isku koobaan Canfar iyo Ciise ee dalka waa lala leeyahay
Jabuuti Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Siyaasiga da’ada yar ee dalka Jabuuti M d Qaasim Axmed Diini ayaa wareysi uu dhawaan siiyay shebekada ardhd ayuu uga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin burburka ku yimi daladii mucaaridka Jabuuti ee UAD iyo dedaalo iminka la wado oo lagu unkayo dalad cusub oo mucaaridku yeesho.
Md Qaasim Axmed Diini ayaa noqday siyaasigii reer Jabuuti ee u horeyay ee ku dhiirada ka hadalka dheeli tir la’aanta siyaasadeed ee regaadiyay siyaasada Jabuuti.
La-taliyaha madaxweynaha Xisbiga ARD Md Qaasim Axmed Diini ayaa sheegay in ay tahay in siyaasada si siman looga qeybgeliyo shacabka reer Jabuuti halka ay Cafar iyo Ciise isku soo koobeen.
Md Qaasim Axmed Diini ayaa sheegay in sababtani tahay ta keentay in ay isaga baxaan daladii mucaaridka Jabuuti hore ugu mideysnaayeen isla markaana ay iminka u wadaan abaabulka dalad loo dhanyahay.
Wareysiga ayuu Md Qaasim Diini ku sheegay in xukuumada Jabuuti ay iminka bilowday in dhalashada dalkaasi ay siiso dad uu sheegay in ay Muqdisho ka soo daad gureysay,iyada oo dad reer Jabuutiyana loo diiday in ay qaataan waraaqaha Aqoonsiga ee dalkaasi.
La-taliyaha Siyaasada ee madaxweynaha xisbiga ARD Md Qaasim Axmed Diini ayaa waxa uu dhaliilay dalad ay dhawaan ku dhawaaqeen xisbiga MRD iyo Jebhada FRUD oo uu sheegay in dagaalka iyo siyaasada laka saaro oo mid uun loo hadho.
Ugu danbeyntiina waxa uu ka waramay dibed bax balaadhan oo badhtanaha bishan lagu qabanayo Jabuuti si shacabku u dalbadaan isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhaca.
Isu soo baxan ayuu mudanuhu sheegay in uu ka dhici doono guud ahaan dalka Jabuuti oo shacabka oo dhana laga qeybgelin doonaa ayuu yidhi Md Qaasim Axmed Diini.
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com