Qaarax Gaadhi Lagu Xidhay Oo Maanta Laga Fuliyey Gudaha Magaalada Galkacyo iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Galkacyo:April,28,2015(SDN/QJ)-Gaadhi uu lahaa Sarkaal katirsan Hay’adaha Magaalada kalkacyo ka Hawlgala, ayaa maanta qarax loogu geystay Gudaha Magaalada, kadib markii walxaha qarxa lagu rakibay.
Gaadhigan, ayaa qarxay isagoo maraya Agagaarka Radio Gaalkacyo, waxaana ka dhashay Dhaawac Sadex Haween ah oo Gaadhiga saarnaa.
Haweenka dhaawacmay ayaa Xaaladoodu wanaagsantahay sida Saraakiisha Isbitaalku noo xaqiijiyeen.
Maxamed dhaban-cad oo ahaa Sarkaalka gaadhigiisa Qaraxa lagu xidhay ayaa ka badbaaday Weerarka, waxaana Xaaaladiisu ay tahay mid wanagsan.
Laamaha amaanka ayaa goobta soo gaadhay kuwaas oo wada hawlgal waxaana meesha laga jiiday gaadhigii la qarxiyay.
SDN/QJ