Qaaradda Afrika oo taageeraysa Musharixeeda Hogaaminta Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO
Addis Ababa 16. April 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa u dhashay Wadanka Itoobiya ee ku tartamaya shaqada u saraysa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO Mr Tedros Adhanom ayaa la sheegay inuu haysto taageerada wadamada Afrikaanka ah sida ay baahisay shabakadda wararka ee New Times.
iyadoo ka hadlaysey musharaxa reer Itoobiya iyo kartidiisa ayaa wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Ruwanda Louise Mushikiwabo ahna afhayeenka Dawladeedu waxa ay ku sifaysay Tedros adhom inuu yahay mid ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee hogaamin kara Hay’adaa caalamiga ah.
Mushikiwabo waxay sheegtay in doorashada soo socota ee hogaaminta WHO ay muhiim u tahay Qaaradda afrika waxana iyadoo arintaa ka hadlaysa ay tidhi sidan: ‘Dhamaan afrikaanku waxa ay dabo taagan yihiin musharaxa Tedros Adhonom, waana musharax wanaagsan oo aanu haysano, Qaaradda afrikana waxay diyaar u tahay inay doorkeeda ka ciyaarto arimaha caafimaadka caalamiga ah, halkan anaga hadaanu nahay Wadanka Ruwanda iyo dhamaan dalalka Bariga Afrika waxaanu ku hanweynahay musharaxayaga waxana aanu sugaynaa doorashada Bisha May 2-deeda.”
Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada ee dalka Yugaandha Julius Maganda oo dhankiisa ka hadlay musharaxa Tedros Adhonom waxa uu sheegay in Wasiirkii hore ee Caafimaadka Itoobiya uu yahay tartamaha ugu wanaagsan si uu u noqdo Agaasimihii Guud ee sideedaad ee hay’adda caafimaadka Adduunka WHO.
“waxaanu ku faraxsan nahay in aanu musharax u haysano Dr. Tedros. kani waa musharaxa aad u wanaagsan, dhab ahaantiina waanu taageeraynaa gobol ahaan iyo Qaarad ahaanba.’ sidaa waxaa yidhi Julius Maganda.
Dr. Tedros ayaa hore u shaaciyey shanta qodob ee uu ka duulayo hadii uu shaqadaa qabto kuwaas oo kala ah caymiska caafimaadka guud, u diyaargarowga xaaladaha degdega ah ee caafimaadka haweenka, caruurta iyo dhalinayarada, saamaynata caafimaad ee isbedelka cimilada iyo in la abuuro isbedelo Hay’adda WHO gudaheeda ah kuwaas oo ka muuqan kara tayadeeda, sidii loo dhammaystiri lahaa baahideeda iyo in diiradda la saaro natiijooyinka soo baxa iyo jawaabaha la helo. waxana isagoo sharaxaad ka bixinaya qorshayaashii uu yidhi sidan: ‘Dhaxalka aan doonayo in aan hadhow kaga tago shaqadaasi waa in la helo hawlgalo caafimaad oo dunida oo dhan ku dhammaystirma, waana in si siman oo la wada awoodi karo loo helo adeegyada caafimaad, wxana aan aaminsanahay in helitaanka caafimaadku uu qayb ka yahay xuquuqda aadanaha.’
Warbixintii ay sanadkii hore soo saartay hay’adda dusha kala socota helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshooyinka caalamku waxay sheegaysay in sanad walba ay 11 Milion oo Afrikaan ahi ay ku soo dhacaan xaalad saboolnimo, taas oo ay sabab u tahay kharashka badan ee jeebkooda ka baxaya, waana arinta uu xiligan Mr Tedros ku tilmaamayo mid aan la aqbali karin isagoo ku adkaysanaya in daryeelka aasaasiga ah iyo ilaalinta dhaqaalaha lagama maarmaanka ahi ay fure u yihiin sida looga gudbayo khataraha caafimaad ee dunida ku yimaadda iyo sidii looga fogaan lahaa saboolnimada lafteeda.
Musharaxa Dr. Tedros, ayaa ah cilmi baadhe cudurka duumada ah oo caalamku aqoonsan yahay, waxana uu madax ka soo noqday sanduuqa maalgelinta ka hortagga Aids-ka, Duumada iyo Qaaxada.
Xilka Agaasimaha guud ee hay’adda WHO waxaa musharaxnimadeeda u taagan sadexda siyaasi ee kala ah Tedros, Nabarro and Nishtar, waxaana doorashada la qaban doonaa bisha May 2-deeda .