Qaar Kamid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Weerarkii Maxkamada Oo Dalbaday In Dibada Looqaado
Muqdisho April 18 2013 (SDN)— Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta maxkamada Gobalka Banaadir ayaa dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dalka dibadiisa uqaado.
Mid kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Maxkamada Gobalka Banaadir oo lagu magacaabo C/qaadir Cosoble ayaa usheegay Qurbejoog.com in dhaawaciisa uu yahay mid dalka wax looga qaban waaye.
Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu ka dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka dibadiisa loogu qaado si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.
Maxamed Axmed oo isna la jooga hooyadiis oo ku dhaawacantay qaraxii maxkamada ayaa sheegay in hooyadiis dalka wax looga qaban waaye xaaladeeda caafimaadna ay aad uliidato.
Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu balan qaaday in dadka liita dalka dibadiisa loo qaadayo si xaaladood caafimaad wax looga qabto.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday dhawaan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka xaaladooda liidato Xukuumadda ay dalka dibadiisa uqaadayso.
SDN-Muqdisho