Qaar ka mida Somalida Qurbaha oo dalkoodii dib ugu noqonaya
San Diego Feb 20,2013(SDN)-Intii ka danbeysay ka guuleysigii Kooxda Al Shabaab iyo dhisidii dawlada cusub ka dib waxa isa soo taraya Soomaalida ku noqoneysa dalkoodii hooyo.
Magaalada San Diego ayaa Soomaalida ku nool waxa ay ka mid yihiin kuwa daneynaya in ay dalkoodii hooyo caawiyaan kuna noqdaan,sida ay daabacday jariirada Voice of San Diego.
“Ka hadalku durba waa uu biloowday Soomaalida dhexdeeda,qaarna waaba ay noqdeen,qaar waa qorsheynayaan in ay noqdaan,halka qaar kalena aaney weli ku qanacsaneyn xaaladaha jira,waana ay shakisan yihiin”sidaa waxa yiri Maxamed Axmed oo 23 jir ah kuna nool magaalada City Heights oo California ku taal.
Axmed waxa uu Soomaaliya ka yimi kiyoo laba bilood jira,waxaanu Mareykanka soo gaaray kiyoo Afar Jir ah,waxaana uu haatan ka qalin jabinayaa Jaamacada San Diego isaga iyo arday kale oo Africa ka yimi.
Axmed waxa uu yiri in dawladnimadii soo noqoto haatan waa xili haboon,sababta oo ah waxa haatan Jaamacadaha reer Galbeedka ka qalin jabinaya ama ka qalin jabiyay Soomaali faro badan.
Axmed sidoo kale waxa uu hatan wadaa qorshe qorshe Soomaaliya looga hirgelinayo Dugsi,waxaanu dhawaan ka soo noqdey safar uu Soomaaliya ku tegay oo lagu soo qiimeynao dhismaha dugsigaasi.
Qorshuhuna waa kolka Axmed Dhameeyo Jaamacada in uu Soomaaliya ku noqdo oo uu xariga ka soo jaro Dugsigaasi.
Axmed oo kaashanaya saaxiibadiisa dhigta Jaamacada SDSU iyo urur jaamacadaa ka jira oo la yidhaahdo C.U.R.E. Africa ayaa Soomaaliya booqday oo qiimeynta wax ka soo sameeyay.
Waxa jira dhalinyaro Axmed ay saaxiibo yihiin oo iminkaba shaqo u tegay Soomaaliya isna waa suurtogal in uu sidaa dhawaan yeelo.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in isbedel ku yimi sidii Soomaalidu dalkoodii hooyo u arki jireen oo haatan ay muuqato in in badan oo qurbejooga ka mid ahi in ay tageen Soomaaliya ama ay haatan doonayaan in ay tagaan dalkii.
Qaramada Midoobey ayaa dhawaan shaacisay in uu koror ku yimi duulimaadyada tagamagaalada Muqdisho bilihii u danbeeyay.
Waaxa ay QM ku tilmaantay qiyaasta dadka dibeddaha ka tegaya bil walba ee booqda Muqdisho in ay ka badan yihiin 1,000 ruux.
SDN-San Diego
contact@somalidiasporanews.com