|

Qaar Ka Mid ah Wufuuddii Ka Qaybgelaysay Shirka Muqdisho Oo iskaga Dareeray Xarunta Shirku Ka Socdo

Muqdisho:4-Nov-2013(SDN)-Sida ay Sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo Xarunta Shirka dib u heshiisiinta jubooyinka iyo Gedo ee ka bilaabmay hoteelka jazeera  waxa Goobta iskaga Baxay qaar ka mid ah Wufuudda shirka oo Saluugay Hannaanka Shirku u socdo.

jubooWufuuda ka baxay shirka ayaa waxa ay sheegeen in aanay kulaaban doonin shirka maanta Halkii ka sii socon Doona, iyagoo ku Andacooday inay ku noqon doonaan meeshii ay ka soo ambabaxeen.

“Shirku waa mid laysku khiyaanaayo oo aan aheyn sidii naloogu sheegay sidaa darteed umada Soomaaliyeed waxa aan u sheegeynaa in la marin habaabiyay anaguna kuma qasbanin in aan xaadir kusii ahaano meel khiyaana ka socoto”, mid kamid ah odayaasha oo aad u dhaliilaayay ergada ka socota dhanka maamulka Jubba ayaa sidaasi sheegay.

 

Suldaan Axmed Barre oo ah Suldaanka Beesha Direed ayaa waxa uu intaa ku daray, “Beelaha Soomaaliyeed ee kale ee shirku aanu khuseyn waa in ay iyana iskaga baxaan sida annaga oo kale. Xildhibaanada Beesha Direedna waxa aan ugu baaqayaa in 24 saac ay nagu hor-yimaadaan si arintan soo deristay aan uga wada hadalno”.

 

Qaadacaadan iyo kulan ka dareeridan ayaa timid iyada oo shalay uun uu furmay shirka ay dowlada Soomaaliya gadj-wadeenka ka tahay ee Jubooyinka iyo Gedo bulshada dega loogu tala galay in ay uga nabadoobaan wixii dhibaata ah ee hore u dhex maray.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed