Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Madaarka Hargeysa Oo Cadaadis Wasiirku Saaray Darteed La Sheegay Inay Ka Dambeeyeen Dabkii Dhawaan Ka Kacay Qaybo Ka Mid ah Garoonka
Hargeysa:17-April-2014(SDN/QJ)-Warar ku Dhaw dhaw Saraakiisha sarsare ee Madaarka Cigaal International Airport ayaa sheegaya inuu Soo Baxay Tuhun la Xidhiidha in koox ka mid ah shaqaalaha Garoonku ay ka dambeeyeen Dabkii dhawaan Halkaasi ka kacay.
Xogaha Soo Gaadhaya Qurbejoog.com ayaa sheegaya shaqaalaha Dabkaas aan Khasaaraha badan geysanin ka dambeeyey ay yihiin kuwo Wasiirka ka tirsanaya caddaalad darro soo noqnoqtay oo uu kula kacay iyo cabashooyin ay ula tageen oo uu waxba ka qaban waayey.
Sida ay wararkaasi sheegayaan waxa Habbeenkaas dabku kacay Garoonka ku sugnaa Shaqaalle kooban oo Shift-ga Xilligaas u lahaa shaqada, waxana ay si xirdadaysan dabka uga bilaabeen goob xaasaasi ah oo dhisamayaasha Garoonka ka mid ah, iyadoo mar dambe la ogaaday in qaybo ka mid ah garoonku ay Ololayso.
Shaqaalaha arrintan ka dambeeyey, ayaa la sheegayaa in qaar ka mid ah la ogaaday Haatan, halka intooda kalena dabagal lagu hayo, waxana la filayaa in dhawaan tallaabo laga qaado marka Arrinta baadhitaankeeda la hubiyo.
Qurbejoog.com oo isku dayday inay ogaato sababta kalliftay in qaybo ka mid ah shaqaalaha lagu aaminay shaqadu garoonku ay dab ula badheedhaan, ayaa heshay in hannaanka shaqo ee shaqaalaha loo xusho ay ku jirto dulmi iyo eex badani, iyadoo shaqaalaha qaarkood qaataan mushahar ka badan midkii ay xaqa u lahaayeen, taasina ay niyadjab ku beertay shaqaalaha kale oo is bidaya inay xuquub badan leeyhiin.
Wasiirka iyo madaxda kale ee garoonka ayaa la sheegayaa inay shirar isdaba joog ah ka lahaayeen arrintan, waxana laga warsugayaa tallaabada ay qaadaan eek u wajahan dhacdadan murugada leh ee garoonka dhexdiisa ka dhacday.
Su’aalo la xidhiidhaDabkaas oo wasiirka Madaxdooyadu waydiisay, ayaa la sheegay inuu kaga jawaabay inaanu Haynin sabab cad oo dabkaas keentay, isagoo ku ballan qaaday inuu ku maqan yahay wixii dabkaas dhaliyey.
Ilaa iyo maalintii ay gubashadu dhacday waxa Madaarka ka taagan kala shaki iyo kalsooni la’aan shaqaalaha dhexdooda ah, waxana la bixiyey amarro hoose oo lagu dabagalayo kooxda iyadu Go’aansatay inay khalkhal geliyaan Madaarka oo ah Muraayaddii Somaliland laga daawanayey.
S.D.N/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com