|

Qaar Ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo Si Adag uga Hadlay Xadhiga Madax dhaqameedka Iyo Qadiyadda Haamaha Shiidaalka DAAWO

Hargaysa 19.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaanadan  ka tirsan golaha wakiilada somaliland  oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta golaha wakiilada ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahay in xukuumada madaxweyne Siilanyo laga badbaadiyo dalka.

XildhibaanoUgu horayn xildhhibaan Wali Axmed Xaawa oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay inay xukuumadu dhibaato badan ku hayso golaha wakiilada iyo warbaahinta madaxa banaan waxaanu yidhi “ Suldaankaas iyo boqorkaas xaqdarada ku xidhan, madaxweynaha laba meelood ayaa laga doortay oo saxaafada iyo baarlamaanka ayaa

laga doortay, labadaasna inuu baabiinayo ayey ila tahay, saxaafadu diwaanka haka baadho maalintii uu madaxweynuhu soo dhawaa waxa uu yidhi haamaha iyo dekeda gurigayga la keeni maayo Aamina Waris-na la keeni maayo.”

 

Sidoo kale Xildhibaan Siciid Warsame Gaane  oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay inaanay jirin wax xukuumad ahi balse ay budhcad dalka haysato waxaanu yidhi “Xukuumadi ma jirto, hore ayaan u sheegay oo imika way dhaaftay wixii xukuumad la odhan jiray sharcigiina way ka xuubsiibatay ee budhcadan abaabulan ha sii dayso salaadiinta, anigu mar hore ayaan sheegay inay u xuubsiibatay  budhcad abaabulan.”

 

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa dadweynaha ugu baaqay inay mudaharaad abaabulan kaga hor tagaan xukuumada waxaanu sheegay inay dalka haysato nabsigii laga galay Daahir Rayaale waxaanu yidi “Ilaahay dadka ma duleeyo ilaa ay is duleeyaan, shalay waad ogaydeen waxaynu badnay madaxweynihii hore ee deganaa ee nabsigiisii ina hayo,nabsigii Daahir Rayaale ayaa qarankan haya waan idiin sheegayaaye,  aniguna hore ayaan u idhi Daahirow is saamax, laakiin waxa loo baahan yahay reer hargeysow dalku idinka ayuu idiin xidhan yahay imika cid kalana uma xidhna, waxaas haamaha loogu meeraysanayaana  maaha haamo ayaanu wareejinaynaa qarad kale ayaa laga leeyahay, balo ayaa la rabaa inay dhacdo, laakiin waxa weeyaan waxa kaliya ee dalkeenu ku nabad galayaa jiritaankeenuna ku nabad galyo waxa weeyaan afartaas laamay oo aynu kaga soo dhacno inaga oo leh  Siilaanyoy ogolaan mayno.”

 

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte ayaa isaguna dhinaciisa xukuumada ku dhaleeceeyey xadhiga ay kula kacayso cidii wax ka sheegta waxaanu yidhi“Marka salaadiintii iyo madax dhaqameedkii bulshada ugu karaamo sareeyey la leeyahay ma hadli kartaan, oo ninkii hadlaba gudaha la dhigayo, suxufiyiintii la leeyahay ma hadli kartaan, wax ma qori kartaan waxna ma sheegi kartaan oo gudaha la dhigayo muwaadiniintii kale ee masaakiinta ahaynd soo wax kale lagu samayn maayo.”

 

Sidoo kale Xildhibaan Xamse Gaada Wayne ayaa dhiniciisa ku war geliyey dadka boobaya hantida umada in layskaga daba iman doono oo laysla xisabtami doona waxaanu yidhi “Waa in la xaal mariyaa nimankaas, waxaanay ku xidhan yihiin dantan guud ee ceebtu ka timid ee aan shay qudha lahayn, kuwii yar yaraa ee dawlada hoose-na waxa la yidhi waxay iibiyeen kaalmihii shiidaalka, kuwii kalan haamihii ayey iibiyeen, baarlamaan ayaanu nahay  madaxweynaha ayaanu la hadlaynaa haddii dadku caynkaas ku jiro, halkii aynu ictiraafka ka doonaynay ee aanu doonayn in aduunka oo dhan arinteena loo bandhigo oo dadkeena camal loo doono, hadaynu kaba bixi mayno malaa soo noqon maysee maxaa idiin dhaw lagu saamixi maayo ninka lagu qabto.” Ayuu yidi Xildhibaan Xamse Gaadawayne.

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,Maxamed Saalax Cige iyo xildhibaano kale kuwaas oo dhamaantood xukuumada si adag ugu canaantay xadhiga madax dhaqameedka iyo damaca wareejinta haamaha shiidaalka Berbera.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed