Qaar Ka Mid Ah Hal-doorka Laascaanood Oo Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Ku Eedeeyey Amar-ku-taaglayn DAAWO
Laascaanood, 21 March, 2016-(SDN/QJ): – Qaar kamid ah Odayaasha, Waxgaradka iyo Dadweynaha ku dhaqan magaalada laascaanood, ayaa jawaab adag ka bixiyey amar la sheegay in xukuumaddu ku hor joogsatay Shirkad cusub oo dhinaca adeedga korontada ah oo laga hirgeliyey magaalada Laascaanood, taas oo ku shaqayn doonta tamarta cadceeda [Solar System].
Shirkaddan oo magaceeda la yidhaahdo GURMAD Jabuutaawi isla-markaana uu aasaasay Ganacsade Xaaji Maxamed Cabdiraxman Caraale Jabuutaawi oo kamid ah Ganacsatada caanka ka ah deegaankaas ayaa soo dhawayn shalay loogu sameeyey magaaladaasi waxaa ay dadweynahani sheegeen in aanay ogolaan doonin in korontada magaaladu ay cid gaar ah kooto ugu xidhnaato.
Mulkiillaha shirkaddan GURMAD Xaaji Maxamed Cabdiraxman Caraale Jabuutaawi oo kasoo laabtay safar shaqo oo uu wadanka shiinaha ugu maqnaa muddooyinkan, halkaas oo uu ka soo waariday qalabka shirkaddan cusub ayaa soo dhawaytiisa oo ay duleedka magaalada Laascaanood kaga hor tageen haldoorka gobolkaasi waxaa markii dembe xaflad lagu qabtay Hotel-ka Xamdi ee magaalada Laascaanood lagu soo bandhigay adeegyada cusub ee ay shirkadani soo kordhisay iyo qiimaha loogu talo galay in ay ku bixin doonto laydhkaas.
Nuxurka Baaqa ay soo saareen Haldoorka SOOL
Xubanaha hor kacayay cuqaal iyo madaxdhaqameed kasoo jeeda deegaankaas ayaa dareen toggan ka muujiyay kaalinta ay shirkaddani ka qaadan doonto baahiyaha adeegga korontadan, iyagoo dhinaca kale si adag u naqdiyey amar ku taaglayn ay sheegeen in dabada laga riixayo oo ay wasaaradda macdanta iyo tamartu ku curdin dhadhisay hanaqaadka shirkaddan.
Caaqil Warsame Saleebaan Cali (Qamandi), Nabadoon Qawdhen Iyo Caaqil Sanyare Sanbalooshe oo kamid ahaa madax-dhaqamedkii halkaasi ka hadlay ayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ku eedeeyey in uu ku hawlan yahay tallaabooyin lagu go’doominayo horumarka Gobolka Sool oo ay sheegeen in uu ka hooseeyo dalka intiisa kale.
“Waxaanu marka hore soo dhaweynaynaa Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo Faa’iido badan malgaalada u soo kordhiyay.” Sidaas ayuu yidhi Caaqil Warsame Saleebaan Cali (Qamandi) oo kamid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay. Waxaana uu intaasi ku daray “Magaalada Laascaanood ganacsi bay u baahan tahay, waxay u baahan tahay cid kasta oo u dhalatay inay maalgashato oo lagu tartamo ganacsiga baa looga baahan yahay, ganacsiguna waa xor hadday maamul tahay iyo hadday shacab tahayba cidda ka xun horumarka ganacsigayaga waxaanu leenahay annaguna waanu ka xun nahay, waanana kasoo horjeednaa, kamana yeelayno, waanu soo dhaweynaynaa cida jecel horumarka oo waxaanu diidan nahay cid kasta oo kasoo horjeeda, cid aanu indhaha uga laabanaynana ma jirto.”
Sidoo kale Nabadoon Qawdhan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in deegaanka gobolka Sool uu u baahan yahay cid kasta oo horumarkiisa ka qaybqaadanaysa “Waxaanu soo dhaweynaynaa Ganacsadaha da’da yar ee Maxamed Jabuutaawi, Gobolkanina waxa uu u baahan yahay horumar cid kasta oo horumarkiisa ka qayb-qaadanaysana waanu soo dhaweynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Nabadoon Qawdhan.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay caaqil Sanyare sanbalooshe, waxaanu yidhi, “Waxaad moodaa Gobolkan Ciddii lahayd inaanay is ogeyn, dibna looga dulqaadan mayo cidda dhibaatada ku haya gobolkan. Xaqiiqiyan waxa maanta iga xanaajiyay hadallada ka soo yeedhaya maamulka heer degmo (Laascaanood), heer gobol (Sool) iyo heer dawladda dhexe ahba (Xukuumadda). Wasiirka Macdanta iyo Tamartu halkan waxa uu hore uga daahfuray dhagax-dhidga Shirkad tamarta qoraxda ku shaqaynaya oo koronto, Hargeysana wuxuu isugu keenay Labaatan dawladood oo tamarta cadceedda gelinaya. Laakiin annagu haddaanu nahay reer Laascaanood iyadoo aanay cidina maalgelin ayaanu annagu keensanay oo aanu jeebkayaga ka bixinay adeeg qoraxda ku shaqaynaya oo laydh, waxaanu dalbanaynaa in farogelinta lanaga daayo.”
Mulkiilaha Shirkaddan Ganacsade Xaaji Maxamed Cabdiraxman Caraale Jabuutaawi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey baahiyaha adeeggani dabooli doono, isagoo sheegay in bulshadu ay ka raysan doonto culayskii ka saarnaa dhanka laydhka oo halka Unit hore u ahaan jiray wax ka badan Hal Dollar.