Qaar ka mid ah Dhaqanka iyo Ganacsatada Garxajis ee loo adeegsanayo kala furfurka Jabhada Gacan-Libaax oo la ogaaday
Hargeysa September 18, 2023 (QJ) – Waxa fashil ku dhamaaday qorshihii hoosaasinta ahaa ee lagu kala dirayay Jabhada Buurta Gacan-Libaax ee Muuse Biixi iyo HEEGO ka seexan waayeen bilihii ina dhaafay.
Qorshahan oo ay aduun ku bixinayeen Ganacsato ka soo kala jeeda Beelaha Somaliland ayaa hadana waxa juhdiga iyo aduunka ugu badan ku bixinayay kuwa Garxajis.
Ganacsatadan oo bilo hortood kulan la yeesha Muuse Biix ayaa waxa dhawaan faray in ay dhalintaa buurta ka soo dejiyaan, balse taasi ma suurtogelin ilaa haatan.
Ganacsatan oo isticmaaleysa Guddida Garxajis ee ka amar iyo mushaharba qaadata Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Xirsi Xaaji Xasan ayaa arinka dabada ka riixeysa.
Ilaa iyo haatan waxa ay ku guuleysteen uun soo dejinta dhalin faro ku tiris ah oo durba qaar ka mid ahi dib ugu noqdeen buurtii ka dib kolkii Muuse ka baxay balantii cafinta iyo doorashada.
Ganacsada iyo Madaxdhaqameedka Garxajis ayaa la sheegay in ay badankood iminka dib uga gurteen mashruucan, oo ay haatan isugu soo hareen Suldaan Cade Gude iyo Maamulaha Shirkada Telesom Cabdikarim Maxamed Eid.
Telesom oo hore gacanta ay ugu dhigtay HEEGO ayaa haatan waxa loo aaneynayaa gacan ka geysadka dib u soo nooleynta Marxuumka siyasadeed ee Muuse Biixi.
Si kastaba ha ahaatee, Shicib weynaha Garxajis ayaa haatan ku baraarugsan hagardaamooyinka Muuse ka dhex maleegayo Guud ahaan Somaliland gaar ahaana Beesha Garxajis, waxaana haatan isa soo taraya eedaha loo jeedinayo dadka arinka Muuse Biixi kula socda.