Qaar ka mid ah Culimada Canada oo Fatwa ka soo saaray in gacanta loo qaado Dumarka
Ottawa Feb 06,2012(qurbejoog.com)-Mid ka mida Imaam yada dalkan Canada ayaa maanta soo saaray Fatwa lagu qaadacayo isla markaana Diinta suuban Islamka looga fogeynayo falal dhaqameedyada ay ka mid yihiin waxyeelo loogeysto Dumarka.
Imam Sayid Soharwardy oo ah madaxa hogaanka sare ee muslimka Canada ayaa maanta Masjid ku yaal magaalada Mississauga ka soo saaray Fatwadan lagu qaadacayo falalka dilka iyo gacan u qaadida Haweenka waxaana sexeexay in ka badan 34 Imam oo ku kala sugan dalalka Canada iyo Mareykanka.
Fatwadan ayaa jawaab u ah hadal heyn badan oo saxaafadu kula xidhiidhineysay Diinta Islamka dil afar haweena loogu geystay magaalada Kingston bishii Juune ee ina dhaaftay.
Dilkaas ayay maxkamadi ku heshay waalidka iyo cuadkoodii oo kolkaa lagu xukumay xabsi daaim.
Fatwadan maanta la soo saaray ayaa sidoo kale lagu xusuusinayay muslimiinta in falalka meel ka dhaca ku ah dumarka ay yihiin qaar Islamnimada baal marsan.
Waana markii sadexaad ee Fadwo uu ururkan Islamiga ahi soo saaro.
Qurbejoog-Ottawa