|

Qaar ka mid ah Agoomihii iyo Naafada Ciidanka Qaranka oo cabasho la hortagey Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Hargeysa, 05, march 2012 (SDN)- Qaar ka mid ah Naafada iyo agoomaha Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa saaka cabasho la hortagay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhiga, iyagoo ka cabanaya gunno ay sheegeen inay ka qaadan jireen Wasaaraddaas oo laga jaray.

Naafadan iyo agoomahan oo isugu jiray haween agoomo ah iyo rag naafo ah ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka jartay gunno lix garaam oo raashin ah, iyagoo xusay in lagu wargeliyay in Wasaaradda Maaliyadu gunnadoodii ku wareejisay hay’ad NDC oo ka shaqaysa arrimaha dibu dejinta iyo hubka dhigista.

Waxay dadweynahan isugu jira naafada iyo agoomuhu baaq u direen Madaxweynaha Somalilad.

Siciid Cabdi Kadiye oo ka mid ahaa dadkii naafada ahaa ee saaka cabashada la horyimi Wasaaradda Gaashaan-dhiga ayaa waxa ka mkid ahaa hadaladiisii. “Waxaanu ka xumaanay anagoo dalka wax u noqonay oo ku naafoonay, dadkiisii ugu jilicsanaana aanu nahay, Xukuumadda Siilaanyo Wasiirradeedu waxay 4 milyan oo Somaliland shilin iyagoo qaat ayay 4 kale ku darsadeen bishan, anaguna waxaanu qaadanaa 6 kiilo oo raashin ah iyo 5 boqol oo kun.”

Jawaahir oo iyaduna ka mid ahayd haweenkii agoonta ciidamada qaranka ayaa baaq cabasho ah u dirtay Madaxweynaha.  “Waxaanu Madaxweynaha ka codsanaynaa waanu dooranaye inaanu Wasiirrada lacagta kordhisanaya nagu sii day nee uu xuquuqdayada na siiyo agoon baanu haysanaa, dugsi waxaanu kaga bixino ma hayno intaasaanu siin jirnay.” ayay tidhi hooyo Jawaahir.

“Waxa lanaga jaray lix garaam oo raashin, markaa mushaharkiina wuu ku xigaa.” Sidaana waxa yidhi Xasan Xuseen Jaamac oo ka mid ahaa naafada ciidanka qaranka.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed