|

Qaadka iyo raadka dhaqaale uu ku leeyhay dalalka Somalidu degan ama Somaliweyn oo dhan iyo sida ay uga faaiidaysteen dawladaha Ethiopia iyo Kenya

Waxa imika  dhamaaday wiigii faraxada laha ee lagu dhawaaqay in Qaadka gebi ahaanba  laga joojinaayo UK oo ku beegnayd maalintii Arbacada ee Bisha 3dii July  2013, iyadoo bahwaynta u olaylaysa joojinta Qaadka oo ay ka mid yihin  raga sida Abukar Awale , Mohamed Ibrahim iyo MP Mr. Larcaster ay kolay  hadda ku hawlan yihiin sidii dhawaan loo dhigi laha Xafladi ku saabsanayd  joojinta Qaadka.

Dhinaca kale waxan halkan maanta doonaya inaan kaga hadlo bal Qaad  baa la joojinayaye baad maqasheene waxa nagu kalifay inaanu arrinta  ku dhiirano.  Horta arrintiisu way balaadhantahay, marka haddaan  bal in yar ka hadlo aafada dhaqaale iyo waliba mashqaystanimada ee bulshada  kuwa  dalka Somaliweynba ku nool ayaan halkan kaga hadalaya, kuwaasoo  aan ka soo xigtay qoraalo iyo baadhitaano caalamiya oo laga sameyay  :

  1. Djibouti: Wixii ka bilaabato saacadu ila 1:00 pm duhurnimo markaaso, ay soo caga dhigato gegada diyaarada diyaarada ay leedahay Ethiopian   airway.  Marka ay timaado diyaaradu markiiba noloshii magaalada aya isbedelaysa wax walibana way istaagayaan.

Dalkaa yare e Djibouti sida ay warbixintu sheegayso ay (World  Bank) ka diyaariyaan.  Waxa maalintiiba Djibouti lagu cuna ila  12 Tons oo Qaat ah.

 

Dadka badankoodu waxay ku iibsadan 300-500 Franka Djibouti ah( $170  – $240) Dadka Tijaarta ah iyo madaxda dawladu iyagu ila 8,000 oo franca  Djibouti ah ($45) taa macnaheedu waxa weeye reerkastaba lacagta ay helaan  wuxu Qaatka kaga baxa lacag noqonaysa ila 30% dhaqaalaha reerka soo  gala.  Ugu danbaynti sida uu Bangiga aduunka qaybta horumarintu  cadaysay waxay guud ahaan dadka reer Djibouti sanadkiiba Qaatka kaga  soo iibsadan dalka Ethiopia lacag dhan ila $17 million oo dollar.

 

  1. Somalia iyo Somaliland, iyaguna lacag dhan ila $300 million oo ah Doolar maraykanka ay kaga soo iibsadan Qaatka dalalka Ethiopia iyo Kenya. waxa la sheegay inuu Qaatku isna aafa xun ku haya dhaqaala wadanka oo noqonaya in lacagtoodu badankoodu banaanka uga baxdo , taasina ay sababayso sicir barar (inflation) iyo saboolnimo joogta ah. Marka dhaqaalaha wadanka laga hadlaayo si dhaqaalaha wadanku u kobco marwalba waa =    ( Export product should be greater than import commodites).  Taa waxa weeye in ay waxad iibgaynaysa ay marwalba ka badanyihin waxad soo iibsato.   Imikase waa isbedel oo lacagtii wadanka badankodu waxay tegaysa Ehiopia iyo Kenya.
  2. Waxay arrimahaasi uu keenay sicir bararka ay sababeen in lacagtii marwalba qiimaheedi sii xumaanaya, dadkii ay ka cabanayan musharkii oo ku filaan waayay.  Mana garanayan meeshu dhibku ka socdo, oo ah lacagtii u dareeraysa dalaka deriska ee hore dhulkeeni iyo dadkeeniba u dhacay.

 

Waxa intaa sii dheer somalidii oo markay lacag ay Qaat ku iibsadaan  waayeen, dhirtii wadankoo dhan intay jaraan dabadeedna , Qaat ku soo  iibsada.  Taasina maanta waxay sababtay dhulkii Somaliweyn oo dhan  oo lama degaan isu bedelay.

 

Hadaba kuwaas aan kor ku soo sheegay waa kuwa Qaatka soo iibsada oo  lacag badan kaga baxdo isla markaana sicir barar u keena dhaqaalahooda.   Balse baadhitaankan danbe waxaynu ku eegi doona sida ay uga faaiideen  dawladaha dhaqaalaha ay ka heleen Qaatka.

  1. Ethiopia   :  Sida ay warbixinta Bangiga addunku  warbixin uu ka diyaariyay 1992, wuxu ku sheegtay Ethiopia wuxu noqday Qaadku mid uu dhoofidiisu aad u sii kordhayso , markaa xitaa dhulkii uu laga beeri jiray Kaafiga ayaa hadda isaga ku faafay , waayo Qaatka ayaa ka lacag batay intay ka helayaan Kaafiga.  Waxana imika dhulka Ethiopia laga beera Qaatka dhul baaxadiisu dhantahay ila 93,000 hecter.

Waxay sheegeen in lacagta laga helaa ay ka mid tahay kuwa ugu badan  ee laga so daro dhaqaalaha dalka Ethiopia waa lacag aad u fara badan.

 

  1. Kenya   :  Wadankaaso dhaqaale badan oo Milions ka hela tourism ama dalxiiska ayaa hadana lacag fara badan ay ka soo gasha dhoofinta Qaatka oo loo dhoofiyo dalalka Somaliweyn iyo Yurup.  Halkaana waxay ke heli jireen dhaqaale aan madaxaaga galayn oo ka soo gala.

Halkaana dhaqaalihii Kenya  kor buu u qaadmay waayo maalin walba  lacag badan baa iyaga soo galaysa.   Waxase cad in maanta  Kenya dhaqaalihii ka soo geli jiray Holland iyo UK ay halka ku waysay,  tasina waa mid guul ah.

Waxan halkan ku soo gabagabaynaya warbixintii ahayd saamaynta uu ku  leeyahay Qaadku dhaqaalaha dhaman dalalka Somaliweyn iyo sida ay dadku  isu ilawsiinayan xaqiiqada.  Madaxduna waxad mooda inaanay ka hadli  karinba waayo Qaatkii ba dadkii ka awood batay. Dagaalkan aanu kula  jira Qaatka joojintiisu kuma ekaanaya UK iyo Holland joojintiisa.   Qaybta danbe waa sidii loo wajihi laha dhamaan dalalka Somaliweyn, inkasto  aanu ku bilaabi doono wacigelin iyo ardayda oon marka hore kala shaqayn  arrimahaa iyo wixii kaleba.Khayr ban idin rajaynaya dhamaantiin waxanan  hadalkii kaga baxay heesta ah ( waaga beryahay bilicsan arooryo baxsan  maalin boqran).

 

Qalinkii

Adan Jama Kahin

Master of Business & Marketing – UK

Postgraduate of Business Management – Norway

Oo ah

Xildhibaan Deegan

UK

Comments are closed