Qaabkii Uu Xasan Xanafi Ku Helay Dhalashada Kenya Oo Baadhitaanno Lagu Hayo
Nairobi:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Kenya ayaa haatan gacanta ku haysa kiiska wariye xasan xanafi oo dambiyo badan loo haysto, ayaa sheegtay inay Baadhayso habkii uu ku helay dhalashada dalkeeda oo uu waraaqo ka haysto.
Saraakiil dowladda Kenya ka mid ah oo diiday in Magaacooda Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Aqoonsiga laga helay Xasan Xanafi uu ku qoranyahay Magaca Yuusuf Xasan laakiin sawirka saaran uu shabaho wajiga iyo muqaalka Xanafi , waxayna sidoo kale saraakishu sheegeen in aqoonsiga ay ku qorantahay in Mr. Xanafi uu ku dhshay Magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidamada Boliiska dalka Kenya David Kimaiyo oo Warbaahinta ay wax ka waydiisay qaabka uu Xasan Xanafi ku helay dhalashada wadanka Kenya ayaa waxa uu sheegay in xilligan aanu arinkaasi ka hadlayn laakiin baadhitaanka ay wadaan kadib la shaacin doono natiijada soo baxda.
Dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay Wariye Xasan Xanafi oo ka mid ahaa Xarakada Shabaab kadib isaga oo xaalad caafimaad u tagay dalka Kenya waxaana xiligaan sida dowladda Kenya ay sheegtay in Xanafi gacanta ku hayaan Ciidamadda la dagaalanka Argigixisada ee dalka Kenya.
Hadalka dowladda Kenya ayaa imanaya xilli hore dowladda Soomaaliya ay ugu dhawaaqday in Xasan Xanafi la keeni doono Muqdisho todobaadkaan gudihiisa, balse taasi wali ma ay dhicin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com