Qaabkii uu Dhacay Xukunkii Maxkamada G.Maroodijeex Ku Riday Weriye Cabdi Maalik Coldoon, Qodobada Lagu Helay,Xadhig 2 Sano ah, Sida uu Xukunka u arkayay Iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha DAAWO
Hargaysa 08. April 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa laba sano oo Xadhig-ciqaabeed Xabsi ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Hargeysa, markii ay Xukuumaddu xidhay isaga oo ka yimi magaalada Muqdisho 15-kii Febraayo 2017-ka.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo ahaa Xaakinka gacanta ku hayey kiiskaas, isla markaana Sabtidii Maanta ku dhawaaqay, ayaa sheegay eedaymaha lagu soo oogay Cabdimaalik inay ka mid ahaayeen inuu laba Jeer tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, isla markaana taageeray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo laba Sano oo Xabsi ah lagu Xukumay iyo Garyaqaannada Difaacay oo Maxkamadda ku eedeeyey inay Xukun Siyaasadeed ku ridday oo Sharciga Baal-marsan ku ridday Coldoon, laguna qaaday eedo aan rasmi ahayn oo la curiyey, si kiis aan sharci ahayn loogu xalaashado xadhiggiisa.