|

Barnaamijka Dood Wadaag ee Telefishanka Universal oo Cadho Geliyay Aqalka Villa Somalia Iyo Sababaha Keenay Xadhiga Weriyeyaasha Iyo Xarunta Universal ee Muqdisho DAAWO

dood wadaag
Muqdisho 03.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ilo-ku dhaw madaxtooyada dalka looga arrimiyo ayaa waxay xaqiijiyeen in Xabsiga Godka Jilicow loo taxaabay Qaar kamid ah shaqaalihii Universal TV oo horgjoog ka ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad,

Xariga wariyaha ayaa waxaa loo aaneynayaa Barnaamijkii DOOD WADAAG ee sida tooska ah uga baxay Televisionka Universal maalintii Khamiista oo Bisha September ay ahayd 30, 2015.

Waxaana Barnaamijka Xildhibaano ka qayb galay ay daaha uga qaadeen Sirtii ugu cuslayd, oo la xidhiidha sida dalka Soomaaliya Taladiisa Loola Wareegay,  Masuuliyiinta Nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay xariga Cawil Daahir Salaad iyo Kaamiristihii Universal TV.

Ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho iyo hay’adaha u dooda xuquuqda wariyayaasha ayaa siyaasabo kala duwan uga xariga wariyayaashan, islamarkaana cambaareeyey.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, madaxna u ah gudi hoosaadka saxaafadda, islamarkaana ka qeyb galey dooddii ugu dambeysey ee uu qabtey wariye Cawil Daahir Salaad ayaa ka waramay sababta xariga wariyayaasha ay doodaas lug ku leedahay.

Dhanka Kale Dawlada Somalia ayaa ka hadashay Xadhiga Weriyeyaasha Universal iyo Xaruntooda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, Wasiiru-dowlaha wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xasan Beekoos oo shir jaraaid qabtay ayaa shegay in weriyayaashu ay danbi galeen, cidkasta oo danbi gashana aan sharcigu cafin doonin.
Waxa uu sheegay in teleefishinka ay kasii daayeen dood hadallo ka dhan ah dowladda lagu faafiiyey, ayaga oo aan fursad u siin dowladda in qof difaaco uu uga qeyb-galo doodda.

 

Comments are closed