|

Qaabka loo xidhay Suldaan Caddo Gude iyo sirta ka danbaysa

Hargeysa 22 Aug 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa xalay laga xidhay suldaan Caddo Gude oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ugu tunka wayn isla markaana ah Gudoomiyaha Beelwaynta Garxajis oo dega 5 ka mid ah 6 da gobol ee Somaliland ka koobantahay.

Xaaska suldaan Axmed Caddo Gude ayaa sheegtay in isaga oo gaadhigiisa wata lagu hor jaray gaadhi kale oo aan ahayn mid ciidan iyadoo ciidamo badani kasoo daateen kadib ay gaadhigii ku qaateen suldanaka askartu iyaga oo aan wax waaan ah tusin faahfaahin kalana u sheegin.

Suldaanka ayaa jidh-dil lagu sameeyay markii la xidhayay iyadoo askartu ay ay jugo badan gaadhsiisay, sida ay sheegtay xaaska suldaanku.

Qurbejoog wuxuu daba gal ku sameeyay sababta ka danbaysay xadhiga Suldaanka oo ah in lagu maja habaabiyo wada hadalad asocda, isla markaana lagu wiiqo oo ay ku burburaan. Muuse Biixi ayaa damacsan in uu car qaladeeyo dedaalada dehxdhexaadinta ee imika la wado iyadoo Suldaanka loola dan lahaa si beeshiisu u kacdo isla markaana ooga mashquulo dhe dhexaadinta oo aanay ishu mar kale u qaban in madaxweynuhu diido wax dhex dhexaadin ah.

Talada Somaliland ayaa imika kusoo ururtay Muuse Biixi oo kaliya iyadoo xogo aanu ka helnay Madaxtooyadu ay sheegayaan in aanu jirin haba yaraatee hal qof oo aragti ku kordhiya madaxweynaha, balse ay dhammaan kaliya fuliyaan awaamirta madaxweynaha sax ama qalad.

Xadhiga Suldaan Axmed Caddo-gude aya ala filayaa in uu xiisad kale ka dhaliyo Somaliland iyadoo maanta ay hadlayaan salaadiinta Somaliland oo dhan.

Comments are closed