|

Qaabka Haatan kadib Lagu Heli doono Miisaaniyada uu Ku Shaqayn doono Ururka Midowga Afrika

Addis Ababa 04. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeenka Ururka Midnimada Afrika Thomas Quessy Quarty ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyo haykalka Ururka Midnimada Afrika u dhisan yahay iyo maalgelintiisu ay lama huraan u tahay madaxbanaanidiisa.

Gudoomiye ku xigeenka oo ka hadlayey shirka ay labada maalmood Magaalada Addis-ababa ku lahaayeen Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa sheegay in soo jeedinta cusub ee bixinta kharashka ururku ay noqon doonto in wadan walba oo xubin ka ahi uu qiyaas dhan 0.02% dakhliga uga soo xerooda cashuuraha alaabaha uu dibada kala soo dego uu ku bixin doono xisaabta uu ururku ku leeyahay sanadkii.

 

Thomas Quessy waxa uu leeyahay dalalka Afrika qaarkood waxay dhibaato kala kulmayaan bixinta lacagtii Ururku ku lahaa sanadkiiba, inkastoo aanu faahfaahin dalalkaasi kuwa ay yihiin, waxase’ uu xusay in dalal ay Kenya ka mid tahay ay bilaabeen inay u hogaansamaan ballanqaadadoodii oo ay si joogto ah u bixiyaan kharshiyaadka ururku ka sugayey.

Comments are closed