|

Qaababka Fudud ee Loo Nadiifiyo Suuliga Korna Loogu Qaado Fayo dhawrkiisa

Hargaysa 09. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa kuu suurogal ah in aad suuligaaga ku nadiifiso khalka sida maadooyinka kale, adiga oo khalka u isticmaalaya nadiifinta fadhiga suuliga, Muraayada tuwaleedka suuliga iyo guud ahaan suuliga gudihiisa, iyadoo khalku yahay shay dhamaan wasakhda ka dejiyada qalabka muraayadaha ah.

Adeegsiga khalkuna waa dariiqo cusub oo qayb ka noqotay ilaalinta nadaafada guud gaar ahaan suuliyada, iyadoo khalku ka mid yahay maadooyinka dila bakteeriyada isagoo aan wax dhib ah oo kalena kuu gaysan adiga iyo agabkaagaba.

qaabka aad u diyaarinayso khalka aad suuliga ku nadiifinaysaa waa adiga oo quraadada khalka oo kala badh ah oo khalkii ku jiro ku daraya badh kale oo biyo ah, dabeetana waxaad samaynaysaa in aad ruxdo quraarada illa aay biyaha iyo khalku is dhexgalaan oo isku milmaan, deetana waxa aad isku darkaa ku rushaynaysaa godka suuliga, daboolkiisa iyo weliba saalada qubayska oo uu ka dejinayo saabuuntii ku guntantay ama ku qallashay  iyo waxyaabaha kale ee uskaga u keeni kara , waxaana iskaba wanaagsan in aad khalka ku rushayso suuliga ka hor inta aadan habeenkii seexan si uu intii muddo ah ugu yaalo oo ula dagaalamo bacteri-ada iyo waxyaabaha kale ee waskhda keeni kara,

waxana lagu baraabrujinayaa dadka neceb urta khalka in ay urtiisu tahay mid wakhti kooban ku baaba’da, sidaa darteedna aanay ka werwerin.

Comments are closed