|

Q.M oo Canbaaraysay Tarxiilka Muhaajiriinta ee ay ku Hawlan tahay Dawlada AUSTRALIA

Australia 26.July (SDN) Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa qoraal ay manta soo saartay (Jimce) si weyn ugu dhaliishay heshiiska dhexmaray wadamada Australia iyo Papua New Guinea(PNG).

Heshiiskaasi oo ay horey u cambaareeyeen hay’adaha xaquuqul insaanka ee Australia ayaa qoraya in qaxootiga doonyaha ku yimaada dalka Australia aan loo ogolaan inay dalka soo galaan isla markaana lagu xareeyo xeryo qaxooti uu wadanka Australia ka furay dalka Papua New Guinea(PNG).

Go’aanka ayey hay’ada UNHCR ku tilmaamtay mid aan heysan dood sharciyadeed, waxayna hay’ada walaac weyn ka muujisay nabadgeylyada iyo dhowrida xaquuqda qaxootiga ku sugan xeryaha laga sameeyey dalka PNG.

Qoraalka UNHCR ayaa sidoo kale sheegay in dowlada PNG aysan kasoo jawaabin su’aalo muhiim u ah xaquuqda aasaasiga ah ee Qaxootiga oo la xariira dhanka amaankooda, taasi sii abuureysa walaac laga qabo xaalada dadka xeryahaasi la geeyo.

Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii uu shaaciyey eedeynmo xasaasi ah mid kamid ah madaxda Xeryaha Qaxootiga ee Australia hoostaga.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Rod St George ayaa kamid ahaa madax Australiyaanka ah ee maamula xeryaha qaxootiga ee laga sameeyey dalka PNG, ninkaasi ayaa qeylo dhaan uu soo saaray ku sheegay in ay jiraan falal isugu jira Jirdil iyo Kufsi lagula kaco dadka Qaxootiga ah ee sida khasabka ah lagu geeyo xeryaha ku yaal dalka Papua New Guinea.

Australia SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed