Puntlandi oo mamnuucday in lacago shilin Soomaali ah loo soo dhoofiyo Koofurta Soomaaliya
Garoowe March 11 2013 (SDN)—Maamulka Puntland ayaa ka hadlay hoos u dhaca qiimaha sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho oo muddooyinkaan dambe si aad ah looga dareemaye.
Cabdi warsame Qowdhan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hoos udhaca qiimaha sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho ay qatar ku tahay dhaqaalaha maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda Cabdi Warsame Qowdhan ayaa sheegey in guud ahaanba wax Shilin Soomaali aan loo dhoofin karin Koonfurta Soomaalia iyo meel kale.
Ciidamada ammaanka ayuu sheegay in amar cad lagu siiyay inay baaraan dhamaan gaadiidka ka baxa deeganada maamulka Puntland ee u socdaala koonfurta dalka Soomaaliya in lagu dhexqariyay lacagta iyo inkale.
Wuxuu carabaabay in xitaa garoomada deeganada uu ka arimiyo maamulka Puntland aan laga dhoofin karin lacagta shilinka Soomaaliga arintaasina ciidamada ammaanka ee Puntland ilgaar ah ay ku eegayaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemaya hoos udhac dhanka sarifka taasi oo saameyn adag ku yeeshay nolosha qoysas badan.
SDN-Garoowe