PUNTLAND: ‘’Waxa la gudboon inay ka fiirsato farogelinta doorashada Somaliland’’ Siyaasi Cali Guray
Hargaysa 12 November 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa ka Dareen celiyey Go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land oo ugu Baaqay Madaxweyne Gaas inuu ka difaaco Somaliland Doorashadda Madaxtooyadda ee ay ka qabanayso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo ay ku doodayaan inay Maamul ahaan iyaga hoos tagto.
Cali Guray oo Qoraal uu arrintaas kaga hadlayo ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook ayaa u dhignayd Sidan:-
‘’Maan fahmin waxa ay daaran tahay hanjabaadda ka soo yeedhay Puntland xili doorashadii madaxtooyada Somaliand ay ka hadhsan yihiin dhawr maalmood oo keli ahi. Sheekadu u malaynmaayo inay tahay ka qaybgalka Sool iyo goobo Sanaag Bari ahi ay ka qaybgelayaan inay codkooda ka dhiibtaan doorashada oo Puntland ay diidan tahay.
Waayo codbixintu waa talaabadii ugu dambaysay ee doorashada hadii ay taasi tahay waxa ay diidan yihiin markaa xaalka Puntland waa dhidar onkod kiciyay. Xagee ayay jireen markii ay muwadiniinta xaqa u lihi isu diiwaangelinayeen iyo markii labaad eey kaadhadhka codbixinta qaadanayeen. Dhulka ka baxsan maamulka Somaliland eenu weli gaadhin ee degmooyinka Badhan, Laasqoray, Dhahar oo Sanaag Bari ah iyo weliba Buuhoodle midna doorashadu kama dhacayso waayo diyaar baanay u ahayn dadka ku nooli ama maamulka oon gaadhin ayay sababtu noqon kartaa, sidaa darteed inta ay ka dhacaysaa waa inta uu gaadho maamulka Somaliland oo amaankooda ay heegan u yihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidahaasi markaa Puntland ma waxay diyaar u tahay dagaal fool-ka-fool ah oo ciidankeedu uu la galaan ciidamada Somaliland ee ku sugan dhulka Somaliland ee maamulka Somaliland uu ka jiro mise waxay ku talogaleen goobaha codbixinta qaarkood inay weeraraan ama rebshado ka ridaan?
Labada tii ay doontaba ha noqoto eh ma iswaydiiyay maamulka Puntland jawaabta Somaliland waxay noqon karto? Aniga waxay ila tahay hadii ay caqligooda qabaan isugu dhawaan maayaan dad muwaadiniin Somaliland ah oo dhulkoodii jooga oo iyagu go’aankooda iska leh cid qasabtay iyo cid qasbi kartaana aanay jirin inay weerar ku soo qaadaan waayo hadii ay taasi dhacdo ma filayo in Garoowe oo caasimadda Puntland ah iyo Qardho baarax loogu ledi doono. Somaliland hadii laga soo weeraro dhinaca Puntland dabcan markaa Somaliland xaq bay u leedahay inay isdifaacdo dalkeeda iyo dadkeedba difaacdo.
Ciidanka Qaranka ee Somalilandna wuu leeyahay awood uu kaga jawaabi karo weerarka Puntland waana qasab in aanu ku joogin xuduuda Somaliland ee uu gaadho halkii lagaga soo duulay oo marka ugu horaysaba uu soo taabto Garoowe iyo Qardho dhinaca Sool, halka Sanaag Barina ay gaadhi karaan ciidamada Somaliland dhulka Somaliland ee ka baxsan gacanta maamulka Somaliland iyo ka shisheba.
Sidaa daraadeed weerarka ay go’aansadeen dawlad-goboleedka Somalia ee Puntland hadii uu rumoobo waxan u arkaa is-deldelaad maamulka Puntland uu is deldelayo cawaaqibka ka dhashana uu wax badan qoomamayn doono.
Insha alleh dhici maayo dhiig soomaaliyeedna ciyaar ciyaar ku daadan maayo loomana baahna inu daato hadii la baajin karayo. Maamulka Puntland waxan kula talin lahaa inu mar iyo mar labaadba fakaro go’aankiisana dib uga fiirsado
Wa bilaahi tawfiiq
Caligurey
Hargeysa