|

” Puntland waxa ay raaceysaa Talada shacabkeeda, waxayna ogoshahay Qaab deegaameed doorashada 2016″ Madaxweyne Gaas

Muqdisho 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka sheegay Madasha wadatashiga Madaxda Soomaaliyeed in Dowladda Puntland ay ku shaqeyneyso talada shacabkooda.

Dr C/wali oo qudbadiisa ka jeedinayay Hoolka uu ka soconayo Shirka wada tashiga Madaxda Soomaaliyeed ee ku aadan Doorashada xigta ee 2016 iyo sida ay noqon doonto ayaa waxa uu sheegay in Puntland shacabkeeda ay kala tashatay qaabka ugu haboon ee doonitaankooda uu yahay islamarkaana ay shacabku qaateen in aan dalka dib loogu celin nidaamkii 4.5 oo faaiido darida sababay.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in tashigii shacabka Puntland uu noqday in lagu soo xulo baarlamanka xiga ee keenaya xukuumadda xigta ee dalka ka Hirgeli doonta ay ku yimaadaan qaab Deegaan oo aan dib loogu celin qaabka hada  ay ku shaqeynayso dowladda Soomaaliya.

Si rasmi ah waxa uu sheegay in Masiiska soomaaliya ay wax ku leeyihiin shicibka loona baahan yahay in dhinacyadda ka qeyb galaya shirka iyo weliba beesha caalamka in ay raacaan talada ay shacabku soo jeediyeen  oo ah tan saxda ah ee dalka lagu hogaaminayo,

Comments are closed