|

Puntland: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xadhiga Wariye Jaamac Deperani

Garoowe,23Nov,2015(QJ/SDN)-Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlayay warbaahinta SBC ayaa sheegay wariye Jaamac Deperani oo maalintii shanaad ku xidhan magalada Garowe uu dambi ka galay dowladda balse aysan jirin wax gaar ah oo ka dhaxeeya.

deprani-773279 (1)

”Adeer aniga iyo isaga wax naga dhaxayn karaa ma jiraan, ninkasi waa nin saaxiibkey ah wax xumaan ah nama dhexmarin, waraysiga aniga layga qaadayna ragg kale oo Jaamac ka dhex hadlaya oo Jaamac u daynaynin ayaa ka danbeeeya iyaga waanu naqaanaa, xilliga maxkamaddu noo yeedhana diyaar baanu u nahay eedayntayada inaan u gudbino, go’aanka maxkamaddana waanu ku qancaynaa” Soocade ayaa sidaasi yidhi.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo aan si cad u sheegin sababta ay ku haystaan Jaamac ayaa tilmaamay inuu sameeyay amar diido cad oo ku aadan shaqo joojin ay dowladdu kusoo rogtay, wuxuuna tilmaamay inaysan sharci daro ahayn xadhiga loogu gaystay magaalada Garowe.

Soocade ayaa Wariye Jaamac ku tilmaamay qof si qaldan u addeegsanaya sharciga saxaafada wuxuuna yidhi ”Waxaan kuu sheegayaa inay sharciga saxaafada ka maqan tahay Jaamac, uusan Jaamac hiigsan karin inuu caanbaxo inuu ku talo galay, laakiin siduu ku caan bixi lahaa inay tahay si aan wariyenimo ahayn aqoonteedana uunu lahayn taasna waan cadaynaynaa aqoon uu halkaa kusoo gaarana uusan lahayn” wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidaasi u jawaabay.

Ururadda caalamiga ah ee u dooda xaquuqda saxaafada iyo xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland ayaa cambaareyay xadhiga Jaamac Deperani waxayna dowladda ugu baaqeen inay si sharuud la’aan ah kusii dayso wariyahaasi oo aan wax dambi ah galin.

Comments are closed