Puntland: Wariye Horay Shaqo Joojin Loogu Amray, Oo Maanta Markale Xabsiga Loo Taxaabay.
Garowe,19Nov,2015(QJ/SDN)-Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani) oo ah wariye ka hawl-gala TV-ga Somali Channel, ayaa horay Wasaradda Warfaafinta Puntland shaqo joojin ugu soo rogtay, waxaana maanta markale lagu xidhay saldhiga magaalada Garoowe.
Wariye Jaamac Deperani, oo inta aan la xidhin ka hor la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inuu hadda jooga Saldhiga oo lagu amray inuu xidhan yahay, waxaana la socday xilliga la xidhayay Wariyayaal kale iyo Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Mudane Faysal Khaliif Barre.
Deperani, ayaa maalin ka hor wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareystay aqalka madaxtooyadda ee Garowe, waraysigaasi oo keenay in dad badan ay ogaadaan aragtida dowladda Federaalka ka doonayso shacabka Puntland inay dhan yihiin 150 aragti shacab, halka dowladda Puntland ay aragti kasoo aruurisey 600 oo qof kala joogana lix magaalo.
Wariyahan ayaa horay wasiirka warfaafinta ugu waraystay Barnaamijka Deperani Show, kaasoo dhaliyay in Jaamac markii danbe shaqada laga joojiyay.
Jaamac iyo MAP ayaa u arkey amarka shaqo joojinta mid ka hor imaanaya sharciga dalka, waxayna taasi keentay inuu Jaamac Deperani shaqadiisa iska sii wato.
Ururka MAP ayaa lagu wadaa inay arrintan ka hadasho, walow Gudoomiye Faysal Barre uu sheegay inay tahay sharci daro go’aamadda wasaradda warfaafinta ee la xadhiidhay shaqo joojintii Jaamac.
Halkan Hoose Ka Daawo Wareysiga Lagu Xidhay Wariye Jaamac Deparani
QJ/SDN: Garowe