“Puntland waa dawlad-goboleed jirta oo waligeed jiri doonta haddii farsamo meel ka khaldani jirtana waa la saxayaa, laakiin anigu……”Madaxweyne Xasan Sheekh.
Washington:Aug,05,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay si toos ah uga Hadlay Dhawaaqa Maamulka Puntland ku sheegay inuu xidhiidhkii ugu jiray Dawladiisa.
Madaweyne Xasan sheikh oo isagoo ku sugan Magaalada Washington ee Carriga Maraykanka u warramay Idaacadda VOA-da, ayaa tilmaamay inay jiri karaan cabasho iyo saluug, balse ay furan tahay wada Hadal iyo is qancini
“Puntland waxay ka diday hoggaanka Puntland baa la weydiinayaa, wax walibana sidii saxda ahayd ma wada aha oo maadaama arrimuhu bilow yihiin cabashaa jirta.” Ayuu yidhi madaxweyne xasan sheikh.
Waxa uu madaweynuhu sheegay inay Puntland tahay Maamul ka tirsan Somalia, isla-markaana jiritaankeedu waari doono, waxana uu meesha ka saaray jiritaanka wax weyn oo halis ku ah maamulka la dhisay, waxana uu yidhi,
“Puntland waa dawlad-goboleed jirta oo waligeed jiri doonta haddii farsamo meel ka khaldani jirtana waa la saxayaa, laakiin anigu cabsi badan ma arko”
Madaxweyne Xasan sheikh ayaa tilmaamay in dawladiisa ay ka go’an tahay inay isu tanaasul samayso oo ay isku soo jiiddo dhammaanba cid kasta oo maamulada ka mid ah oo cabasho qabta.
Caqabadaha ugu waaweyn ee haysta dawladda taagta daran ee Xasan sheikh ayaa wax aka mid ah khilaafyada ka dhasha maamul-goboleedyada ay samaynayso, kuwaas oo haatan kii ugu dambeeyey keenay inay Puntland go’aansato inay xidhiidhka ay leedahay Dawladda Federalka ah hakiso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com