Puntland: Somaliland dhul aysan laheyn ayay xoogaysaa
Garoowe Feb 07,2012(qurbejoog.com)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/samad Cali Shire oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa uu Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole kaga warbixiyay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay degmada Buuhuudle ee gobolkaTogdheer.
C/samad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay wadaan weerar gardaro ah, isagoo tilmaamay in Somaliland ay doonayso inay xoog ku qabsato dhul aysan laheyn sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in dagaala gobolka Sool ay ka wado Somaliland islamarkaana u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamada Maamulkaasi sidoo kale ay yihiin kuwa gardaro ah oo aan meel looga soo gamban.
Xiisada dagaal ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ka taagnaayeen deegaano ka tirsan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Maamulka Somaliland weerar ay ku qaadeen degmada Buuhoodle la sheegay inay ku dileen dad badan oo rayid ah.
Odayaal, Waxgarad, Culumaa’udiin iyo Aqoonyahanno kasoo jeeda gobolada SSC oo Warbaahinta shi jaraa’id u qabtay ayaa waxa ay shegeeen in Ciidamada Maamulka Somaliland ay wadaan xasuuqa dad rayid ah sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo ugu baaqay dowladda KMG ah in halkaasi ay u dirto wafdi dhex gala dagaaladaasi.
Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Sool oo iyana la hadlay Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Maamulka Somaliland dhibaatooyin aan loo meel dayin inay ka gaystaan degmada Buuhoodle, iyagoo sheegay in dowladda KMG ah lagama maarmaan ay tahay in wax ay ka qabato arrimahaasi.
qurbejoog.com, Garoowe
contct@somalidiasporanews.com