|

Puntland oo wadahadal dooneysa

-Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada-hadallo dhammaystiran oo wax-ku-ool ah la yeeshaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo khuseeya arrimaha xasaasiga ah, gaar ahaan kuwa khuseeya masiirka dalka.

Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal la doonayo in lagu gaaro isfaham, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay in la ixtiraamo dastuurka dalka.

“Puntland waxaa ka go’an in arrimaha dalka loo maamulo si dastuurka waafaqsan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Deni ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaanahan ay soo baxayeen hadallo ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya oo muujinayay inay doonayaan in la xaliyo khilaafka Puntland iyo in dib loo bilaabo mashaariicdii horumarineed ee gobolka ka socotay.

Comments are closed