|

Puntland oo si adag uga hadashay xaalada Kismaayo, kuna hanjabtay inay saamayn doonto wada-shaqaynta ay la leedahay dawladda Federaalka Soomaaliya

Garoowe June 9, 2013 (SDN)- Maamul-gobolleedka Puntland ayaa markii u horaysay si kulul uga hadlay dagaalo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay khilaafaad siyaasadeed ka aloosnaa, kadib dhismaha maamul-gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamid Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe, kadib socdaal uu muddo ugu maqnaa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, waxa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Kismaayo iyo muranka u dhexeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda ku dhawaaqday maamul-gobolleedka cusub ee Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamul-gobolleedka Puntland, wuxuu dawladda Soomaaliya ee Muqdisho ku eedeeyay inay ku lugleedahay dagaalada saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeya kooxaha kala sheeganaya hoggaaminta Jubbaland.

Mr. Shire wuxuu sheegay in maamul-gobolleedka Puntland ka fiirsan doonto wadashaqaynta ay la wadaagto dawladda Federaalka Soomaaliya, haddii aanay dawladda Muqdisho faraha kala bixin arrimaha maamul-u-samaynta Kismaayo iyo guud Jubooyinka.

Qurbejoog.com, Garoowe

 

Comments are closed