|

Puntland oo Sheegtay inay Maxkamad la Tiigsanayso Wiilal Kufsi-wadareed kula kacay Gabadho Gashaantimo ah DAAWO

Gal-dogob 18. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Cadaaladda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono dhalinyaro gaadhaya Lix Wiil oo lagu eedeeyay inay Kufsi laba Gabdhood ugu wada geysteen duleedka degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ee Puntland, isla markaana mid ka mid ah Labada Gabdhood ay Muuqaalladeedii ku baahiyeen Baraha Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka.

Maamulka gobolka, degamada, Culumada, Odayaasha iyo Ehellada labada Gabdhood ee falka Kufsiga ah lagula kacay, ayaa la tacaalaya inay xal ka gaadhaan dhacdadan oo soo shaacbaxday ka dib markii ay dadkii falkan geystay Muuqaallo iyo Sawirro ay ka duubeen mid ka mid ah Gabdhaha la faraxumeeyey ay soo dhigeen Baraha Bulshada ee Internet-ka; sida Faysboogga iyo kuwo kale.

Maamulka degmada Goldogob, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 5 ka tirsan Raggaas, Sharcigana lagu qaadaayo, iyadoo dhibanayaashi dhaawacyada loo geystey lagu dabiibayo mid ka mid ah Cusbitaallada Maamulkaas.

Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Diinta ee Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegey Dhalinyarada falkaas geysatay oo tiro ahaan ahaa Lix in Sharciga la marin doono. Waxaanu intaas ku daray inay Wasaarad ahaan ka soo horjeesteen in Odayaal iyo Nabad-doonno galaan arrintaas, sidaa daraaddeedna ay Kiiskaas qaadi doonaan Maxkamadaha Maamulka Puntland, sida ay dhigayaan Qodobbo Dastuurka ku jira iyo Xeerka la-dagaallanka Kufsiga ee Puntland.

Waxa uu sheegay in hawshaas ay doonayeen in ay galaan Odayaal, hase-ahaatee, Maamulka Puntland ay diideen, isla markaana Maamulka dhammeynayo arrintaas iyada oo sharciga la marsiinayo kuwa falkaas ku kacay.

Dhalinyarada lagu eedeeyay Falka Kufsi ah inay geysteen Shan ka tirsan, ayaa hadda waxa ay ku xidhan yihiin Saldhigga degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.
Waxaanay dhacdadani noqotay tii ugu horreysay ee Rag Gabdho kufsaday ku kacaan inay Muuqaallo ay ka duubeen Baraha Internet-ka ku baahiyaan, taasoo dhibaatada Kufsiga ka sokow dhaawac xun oo kale ku yeelan karta qofka falkaasi ku dhacay, isla markaana badi Bulshadu si weyn uga xumaatay inay sidaa sameeyaan Nimankaas labada Gabdhood dhibaateeyey.

Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin ay Weriyeha VOA Sahra Cabdi Axmed ka diyaarisay Kufsigaasi sidii uu udhacay, qaabka Wiilasha loo hayo, Ehelada, Culimada, Maamulka iyo Masuuliyiin kale oo ay waraystay-ba, waaan kaga bogan kartaan, daawasho dhegaysigan hoose ee ka bogosho fiican:-

Comments are closed