|

Puntland oo sheegtay in Gaari tikniko ah oo uu leeyahay Musharax Cabdiweli Gaas oo Somaliland uu kala soo degay ay qabatay

Garoowe Nov 03,2013(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa saxaafada uga waramay Gaari tikniko ah oo ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen maalmihii ina dhaafay.

Qarjab ayaa sheegay in Gaarigan Tiknigada ah laga soo dejiyay “Woqooyi” isla markaana la sheegay in uu lahaa Musharaxa xilka Madaxweynenimo ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Gudoomiyaha ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa” Hadaan warbixin idin kasiiyo gaarigaas ninku ku dhaawacmay lana soo qabtay,waxaa la Joojiyey xiligii Cabdullaahi Yuusuf Ilaahay ha u naxariistee baabuurta Tiknikada ah inaan wax dad ah oo shacab ah lasoo degi karin.

Baabuurkan hadda lagu qabtay degmada Burtinle laba arrimoodba sharciga wuuu ugu gafsanaa waa mare Baabuurka ma ahayn baabuur si sharci ah usoo maray Dekedda ama uu ka qaatay Taarkadii ama la Canshuuray ma uusan ahayn.

Wuxuu ahaa Baabuur Waqooyi ka yimid oo lasoo tahriibiyey oo aan Kastamis soo marin oo wax inaba ha leekaatee sharciga Puntland ka dhuumanayey horta marka 1aad ahaa marka 2aadna wuxuu ahaa baabuurtii la mamnuucay iney Puntland kasoo degaan.

Baabuurkaas Cabdiweli Cali Gaas baa leh iyo cid kalaa leh iyo annagu midna lama socono,annagu waxaan ilaalineynaa sharciga u yaal Puntland,wuxuu sharciga u yaal hebel baa leh iyo heblaa leh midna looga leexanmayo laakiinse wixii haddii sharciga ku gefaan sharciga ayaa lagu qabanayaa”.ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xirsi.

Musharaxa xilka madax weynenimo ee Puntland Cabdiweli oo dhacdadan hore uga hadlay ayaa sheegay in xukuumada Puntland ay sifo aan sharci aheyn kula wareegtay gaari uu leyahay oo amnigiisa in lagu sugo uu u iibsaday.

SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed