Puntland oo Sharci Daro Ku Tilmaantay Go’aano Ka soo Baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaa,Kana Digay in la Carqaladeeyo Hanaanka Doorasho ee Dalka
Garowe 04. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi (Camey) ayaa sheegay Puntland ay ka soo horjeedo hadalo kasoo yeeray Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegayey in tirada xildhibaanada gacanta lagu hayo haddii ay Kooramka buuxiyaan ay go’aano ka gaari karaan arrimaha doorashada Soomaaliya.
Hadalkan ayaa yimid ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi.
Labada masuul ayaa ku eedeeyeey guddiga doorashada Federaalka inay ku xadgudbeen go’aanadii ay madasha Qaranku ku heshiiyeen, ayna ku xad gudbeen doorashadda aqalka sare ee xubnaha goboladda waqooyi.
Camey ayaa sheegay inaysan jirin wax xallaal noqon kara iyadoo aan la soo dhameystirin labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna hadalada guddiga doorashooyinka federaalka ku tilmaamay kuwo Mindi raacis ah oo laga leeyahay siyaasado gaar ah Puntland fahamsan tahay.
“Waxaa nasiib darro ah inaan maqlayno in dowladda federalku ay soo wacayso xidlhibaano jooga gobolada oo ay leedahay kaalaya waanu idin dhaarinaynaaye, xagee u dhaarinaysaan doorashadii ayaaba socotee. Waxaan leenahay hala joojiyo ficiladaas aan loo baahnayn ee Mindi-raaciska ah,” ayuu yiri Eng. Camey.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku hanjabay haddii waxyaabaha noocaas ah sii socdaan inay keeni doonto iney ka tashadaan ka mid ahaanshaha dowladda federaalka.
Waxaa uu sheegay Camey in doorashada Guddoonka barlamaanka iyo madaxweynuhu ay xalaal iyo sharci noqon karta oo kaliya marka ay soo dhamaystirmaan Xildhibaanadda Labada aqal oo ay doorashadoodu weli ka socoto Soomaaliya.
Beesha caalamka iyo dowlada Somalia ayuu ugu baaqay in la joojiyo fadhiga Baarlamaanka cusub inta laga dhameystirayo doorashada xubnaha harsan ee aqalka hoose.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu kaloo uu shirka jaraa’id kaga hadlay doorashada xubnaha aqalka sare ee goboladda waqooyi oo Muqdisho lagu qabanayo, waxaana uu sheegay inaysan sharci ahayn arintaas.
Dhinaca kale, wuxuu dalbaday in sadexda kursi ee aqalka sare laga siiyey goboladda Sool iyo Sanaag dib loogu soo celiyo Puntland, isagoo ku hanjabay haddii doorashada sadexdaas kursi lagu qabto Muqdisho ay gebi ahaan Puntland qaadici doonto hanaanka doorashada Soomaaliya.
Geesta Kale Madaxweyne Ku Xigeenka Punt land ayaa Shalay Galab Gaadhay Caasimada Somalia ee Muqdisho si uu Gudida doorashada dadban u Gaadhsiiyo Cabashada Maamulkiisu Tirsanayo.