|

Puntland oo sameysaneysa Lacag u gaar ah

Garoowe (QJ) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay waddo daraasad ku aaddan dhaqangelinta lacagta shilinka ah ee sanadka 2025-ka.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay muddo dheer ka sugeysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo daabacdo lacag cusub, balse maadaama aysan waxba u qabsoomin ay ku qasban tahay in ay qaataan go’aan ay ku sameysanayaan lacag ay iyagu leeyihiin.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa ku sheegay in xaaladda Soomaaliya ay hadda mareyso meel halis ah, isla markaana ay adag tahay in la ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada. Waxa uu soo jeediyay in hay’adaha loogu talagalay in ay shacabka u adeegaan ay u muuqdaan kuwo caburinaya shaqsiyaad ama dowladda duminaya.

“Caalamka waxaa ka jira dalal badan oo federaal ah oo leh laba lacagood oo kala duwan, taas macnaheedu maaha in Soomaalinimadeenii aan ka tagayno, balse waxaan rabnaa in Puntland ay yeelato lacag u gaar ah, waxaana rabnaa in aad daraasaddeeda bilowdo oo aad ku dadaasho.” Ayuu yiri Deni.

Wuxuu intaas ku daray “Muddo badan ayaan sugeynay lacag shilin Soomaali ah oo mideysan, balse ma muuqato, dowladda Puntland ayaa muddo ku hawlaneyd go’aankan, daraasadduna waa ay socotaa.

Madaxweyne Deni ayaa rajo ka muujiyay in sanadka 2025-ka ay Puntland yeelato lacag u gaar ah, taasoo hadhow la jaanqaadi doonta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, marka ay soo laabtaan wacyiga iyo “maskaxda”, shacabka Soomaaliyeedna ay ku heshiiyaan nidaam mideysan.

Comments are closed