|

Puntland oo Magaalada Boosaaso ku soo bandhigtay koox 8 Nin Ka Kooban oo Sheegay inay Ka Soo Goosteen Kooxda Daacish ee Somalia DAAWO

Boosaaso 22. June 2017 (SDN/QJ):-aamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa Magaalada Boosaaso ku soo bandhigay Sideed nin oo ay sheegeen inay ka soo goosteen kooxda Daacish ee ka dagaalanta degaano ka tirsan gobolkaas.

 

Kooxdan ka soo baxsatay Daacish ayaa sheegay inay u badan yihiin saraakiishii ururka Daacish, ayna ka qaybqaateen dagaalo badan oo lagu soo qaaday Puntland, waxayna ka dalbadeen dowladda iyo shacabka Puntland inay cafiyaan.

Duqa Magaalada Boosaaso Yaasiin Mire ayaa sheegay in dhalinyaradu ay qirteen inay khaldameen ayna hadda isu soo dhibeen ciidamadda Puntland wuxuuna xusay in cid kasta oo ka soo laabata argagaxisanimada ayh Puntland horey u balan-qaaday in la cafin doono.

 

“Dhalinyaradan ka soo baxsaday kooxda Daacish ee ka dagaalanta bariga gobolkan bari, waxay garowsadeen iney khaldameen, waxaana rajaynaynaa inuu kuwo kalena isa soo dhibaan” ayuu yiri Yaasiin Mire.

 

Faahfaahin lagama bixin goorta ay isa soo dhiibaan, halka ay iska dhiibaan iyo sababaha ku kalifay inay ka soo baxaan ururka Daacish goboladda ay ka soo jeedaan iyo waxa laga yeelayo.

 

Maamulka Puntland waxa horey isugu soo dhiibay Rag ka tirsanaa Daacish, kuwaasoo qeyb ka ahaa raggii Ciidamada Puntland kula dagaalamay Buuraha Galgala, maxkamada ciidamada Puntlad ayaana dhowaan fasaxday raggaas.

Comments are closed