Puntland oo maanta 15-jirsatay iyo Xaflad la filayo inay Caawa Qasriga Madaxtooyada ku qabsato
Garowe:1-august-2013 (SDN)Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland, ayaa tan iyo markii la Aasaasay 1-dii Bishii August 1998-kii, Waxa ay haatan jirtay muddo shan iyo Toban sano ah, iyadoo muddadaana ku soo martay Duruufo siyaasadeed,kuwo dhaqaale iyo kuwo dhaqaale oo kala duwan.
Xuska 1-da Ogos afartii sano ee la soo dhaafay waxaa loo xusayey si balaadhan marka la eego dalka iyo dibadiisaba,caasimada Garoowe ayaana dabaal-degga ugu wayni uu ka dhici jiray kaas oo ay qaybta ugu badan ka qaadan jireen ciidamada qalabka sida oo gaadda-ka-ciyaar iyo dho0Lla tus soo bandhigi jiray.
Sanadkan ma jiraan dabaaldegii lagu dhigi jiray Barxadda weyn ee Garoowe,balse caawa ayaa La filayaa in xaflad ballaadhan lagu qabto xarunta madaxtooyada maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdulraxman Maxamuud Faroole oo Haatan ku jira xaalada Siyaasadeed oo aan Degenayn, ayaana caawa khudbad ka jeedin doona munaasibadan waxaana ka qayb galaya qaybaha bulshada ee kala duwan.
Somalidiasporanews.
Garowe/Puntland.