Puntland Oo Ka Farxisay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Kooxda Daacish-Somalia (Magacyada)
Garowe 29. May 2017 (SDN/QJ):- Puntland ayaa fasaxday Lix nin oo ka soo baxsaday Kooxda Daacish, kuwaasoo dhawaan isu soo dhiibay Ciidanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Kooxdan ayaa inta aysan soo baxsan ka hor kooxda Daacish ay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii laga dareemay iney baxsan rabaan, iyadoo intii ay baxsadka ku jireen laga dilay rag kale markii la soo daba dhigay dagaalyahano ka tirsan kooxdaas oo doonayey iney soo qabtaan.
Dhalinyarada ka soo baxsatay Daacish ee isu soo dhiibay Puntland ayaa lagu kala magacaabaa:-
balse Puntland ayaa sheegtay in qof kasta oo isa soo dhiiba la cafinayo, isla markaana uu si xor ah u noolaan doono.
1Axmed Maxamuud Axmed oo ku dhashay Hargeysa.
2-Faysal Idiris Cilmi oo ku dhashay Boorame.
3-Cabdi-salaan Axmed Xaaji Siyaad oo ku dhashay Kuwait
4Cabdi Xakiin Xusseen Xassan oo ku dhashay Muqdisho
5-Isaaq Xusseen Cabdi oo ku dhashay Baydhabo.
6- Siciid Cali Barre oo ku dhashay Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Puntland Col. C/fitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay xukunkan ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku qanci weyday eedaymaha ay soo jeediyeen Xafiiska xeer Ilaalinta Puntland, sidaa darteedna ay maxkamadu xoriyadoodii dib ugu celisay xubnahaasi ka tirsanaa Kooxda Daacish
“Lixda nin waa kuwii isa soo dhiibay, sida ay cadeeyeen, moobiladooda ku jirtay, Daacishtuna dilka ku xukuntay, sidaa darteed maxkamadu markii ay ogaatay inay isa soo dhibeen, waxay u soo celisay xoriyadoodii, Qof allaale qofkii isa soo dhiibata sida ay dowladu ballanqaaday xoriyadiisa ayaa la siinayaa” ayuu yiri Col C/fitaax Xaaji Aadan.