|

Puntland oo Is-beddeshay Heshiiskii Addis Ababa-na Taageertay

Nairobi:2-Sep-2013 (SDN) – Maamulka Puntland Heshiiskii dhawan magaalada Addis ababa ku dhex maray Dawladda Federalka ah ee somaliya iyo maamulka Jubbaland.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii shalay Sept 1, 2013 kulan saacado badan socdey ku wada qaateen magaalada Nairobi wafti ay kala hogaaminayaan hogaamiyaha  maamulka Jubba iyo Madaxweynaha dowladda Puntland.

Kulankan oo arrimo badan lagu falan qeeyey ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa kasoo baxey in dowlada Puntland tageerto heshiiskii Addis Ababa ku kala saxeexdeen maamulka Jubba iyo dowlada Federaalka.

Waxaa kullanka uu yimid iyada oo hore madaxweynaha Puntland Faroole uu sheegay inaanu taageersaneyn heshiis.

Maamulka Puntland oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay inay taageero buuxda siin doonto tallaabo kasta oo qaska soomaaliya wax lagaga qaban doono.

WAR SAXAAFADEED

Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay.

Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda.

Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa.

Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed