Puntland oo fartay Somaliland in ay ciidamadeeda ka saarto Ceerigaabo
Garoowe October 10, 2023 (SD) -Maamulka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay xiisado iyo amni darro ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayuu ku dhaliilay maamulka Somaliland oo uu sheegay inay ciidamo geeyeen magaalada Ceerigaabo isla markaana ay wadaan falal qalalaase ka dhex abuuraya dadka deegaanka.
“Dhawaan waxaan u kuur-galnay in maamulka Somaliland uu qalqal iyo qalalaase ka dhex wado shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo” ayuu yiri Axmed Karaash.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inay si deg deg ah ciidamadooda ugala baxaan magaalada Ceerigaabo, wuxuuna ka digay haddii aysan taasi dhicin in wixii dhibaato ah ee ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.
“Waxaan ka codsaneynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan ciidamadooda loo soo diray Koonfurta Ceerigaabo ee dhibaatada ku haya dadka deegaanka, haddii ay taladaas ka dhega adeygaan mas’uuliyadda ayay qaadi doonaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Karaash.
Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhex-mareen ciidamada Somaliland iyo Puntland deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, iyadoo labada dhinac ay sheegeen inay doonayaan inay maamulaan gobolka.