|

Puntland Oo Faahfaahisay Dagaal Qadhaadh Oo La Gashay Xoogagga Al-shabaab

Garowe:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa Faahfaahin Ka Bixisay Dagaal Qadhaadh oo ay Buuraleydaa Galmadow kula gashay Xoogagga Al-shabaab.

alooreXasan Cismaan Alloore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntand oo maanta shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay dagaaladii shalay ka dhacay deegaano ku dhow Madarshoon oo katirsan buuralayda Golis ee Calmadow inay ku dileen 15- katirsan Al-shabaab , 26- kalena ay uga dhaawaceen.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay ciidamada difaaca ee Puntland inay dagaalka uga dhinteen 2-askari.

Alloore ayaa waxaa uu sheegay dagaalka inuu ka dambeeyey kadib markii kooxda Al-shabaab ay qafaasheen dad rayid ah oo deegaankaasi ku sugnaa , kadibna qaarkood ay gowraceen.

Wasiirka ayaa xusay inay dowladda Puntland doonaysay inay kadaba tagto fadhiisimaha Al-shabaab ee ay iska soo abaabulaan qaar ka mid ah , balse ay ka faa’iidaysanayaan khilaafka maamulada dariska la ah Puntland oo ay is-hayaan, waxaana wasiirka uu xusay in tan iyo markii ay ciidmaada AMISOM kasoo saareen koonfurta Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah ay qaarkood ay soo ruqaansadeen oo ay Puntland ku ogyihiin buuro lagu dhuuman karo.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa laga hadal hayay magaalada Bosaaso in ururka AL-shabaab ay qafaasheen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaano ka mid ah buuralayda oo  ahaa rayid deganaa goobaha ku teedsan buuralayda Cal-madow.

 

 

 

Comments are closed